HomeWaa Kuma Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Arrimaha Daakhiligu Md Faratoon?

Waa Kuma Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Arrimaha Daakhiligu Md Faratoon?

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Hargeysa  (SL.Post) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo,) ayaa siyaasiga Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka soo jeeda degaanka Sool u magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

blank

 

 

Haddaba, waa kuma siyaaasiga Madaxweynuhu u magcaabay xilkaas, sidee ayeyse rayul-caamka bulshadu u aragtay magacaabistiisa, waxaanna arrintaas warbixin kooban ka diyaariyey weriye Carraale M. Jama, taasoo u qoran sidan:

 

 

“Masuulka loo magcaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ma aha qof ku cusub saaxadda siyaasadda, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddihii Somaliland soo maray ee Madaxweynihii u horreeyey Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Maxamed Ibraahin Cigaal, xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo waqtigan u magcawday xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

 

Wasiirka cusub, waxa si weyn u qaada dhigay rayal-caamka bulshada, iyadoo markii Madaxweynuhu soo saaray digreetada magacaabista ah habeenkii Isniinta dadweynuhu aad uga hadal hayeen goobaha lagu kulmo, waxayna soo dhaweeyeen in siyaasi miisaan culus oo ka soo jeeda Gobolka Sool loo dhiibo wasaaradda muhiimka ah ee Daakhiliga Somaliland.

 

 

Md. Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), wuxuu noqonayaa siyaasigii u horreeyay ee ka soo jeeda degaannada Gobolka Sool ee qabta xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha muddada 25-ka sanno ah ee Somaliland ka madaxbannaanayd Soomaaliya.

 

 

Dad badan oo la socda siyaasadda Somaliland, ayaa tilmaamay in masuulkani yahay qof ku habboon inuu xilligan qabto xilkaas culus, maadaama aannu ku cusbayn saaxadda siyaasadda, isla markaana ka mid yahay dadkii hormoodka u ahaa dhismaha qaranka Somaliland ee curdinka ah, waqti iyo juhdi badana geliyay, isagoo sidoo kale door weyn ka soo qaatay diyaarintii Dastuurka Somaliland ku dhaqanto waqtigan.

 

 

Md. Faratoon wuxuu noqday Guddoomiyihii u horreeyey ee Gobolka Sool sannadkii 1991-kii. Sidoo kale, dawladdii Maxamed Ibraahin Cigaal ee lagu soo dhisay magaalada Boorama 1993-kii, waxa uu ka noqday Wasiirkii Caafimaadka, balse markaa kadib xilligii ururrada siyaasadda wuxuu safka hore kaga jiray Ururkii ASAD ee uu hoggaaminayay Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida, kaasoo waqtigaas hoggaaminayey mucaaradkii ugu awoodda badnaa, laakiin markii ururkiisii ku guul-darraystay inuu u soo baxo heer xisbinimo doorashooyinkii Golayaasha Degaanka ee sannadkii 2002, waxa Yaasiin Faratoon ka mid ahaa garabkii ku biiray xisbigii UDUB.

 

 

Markii ay qabsoontay doorashadii Madaxtooyada Somaliland sannadkii 2003-kii, Madaxweyne Rayaale ayaa siyaasiga Yaasiin Faratoon u magacaabay Wasiirul-dawlaha Dib-u-dejinta, hase ahaatee muddo kadib wuxuu dalka uga baxay dhinaca qurbaha, isagoo iska casilay xilkaas, wuxuuna dib u soo laabtay dhawaan.

 

 

Dadka aqoonta u leh Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), waxay ku tilmaamaan inuu yahay qof aqoon iyo waayo- aragnimo u leh arrimaha maamulka, isla markaana arrimaha dhaqanka wax badan ka yaqaan, isagoo xilligii dawladdii Soomaaliya noqday macallin meelo badan ka soo shaqeeeyay. Sidaa awgeed, uu ku kasbaday wax badan, waqtiganan ku habboonaa in loo magacaabo xilka culus ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa 

Warbixin: Caraale M. Jaamac

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories