HomeYuusuf Kirix Cawad oo loo doortey Guddoomiyaha Guddida Ruqsad-bixinta Qareennada

Yuusuf Kirix Cawad oo loo doortey Guddoomiyaha Guddida Ruqsad-bixinta Qareennada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddida Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Qareenadda, ayaa maanta yeeshay fadhigoodii ugu horeeyey tan iyo intii la ansixiyey Wax-ka-bedelka iyo Kaabistii ay Baarlamaanku ku sameeyeen xeerkii lagu aasaasay oo sannadkii hore madaxweynuhu dhaqan-geliyey.

Fadhiga ay maanta yeesheen Guddiga Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Qareennada Somaliland, waxa ay guddoomiye ugu doorteen garyaqaan Yuusuf Kirix Cawad oo kamid ah Ururka Qareenadda Somaliland isla markaana ah aqoonyahan mudo dheer siyaasada Somaliland kusoo dhex jiray.

Garyaqaan Yuusuf KirixYuusuf Kirix ayaa gudida isla qaateen inuu gudoomiye noqdo maadaama uu xeerku dhigayo in 2-da xubnood ee ka socda Ururka Qareenadu midkood noqdo gudoomiyaha gudidan, waxaana hore u jiray is af-garad uu Ururka Qareenadu hore isula meel dhigay in Yuusuf Kirix maadaama oo aanu ahayn xubin ku mashquulsan dacwadaha laga galo maxkamadaha.

Sida uu dhigayo Xeerka Qareennada Somaliland, waxa ruqsad-bixinta qareennada ku shaqo leh guddi heer qaran ah oo ka kooban 7 xubnood kuwaas oo wada-shaqayn la leh wasaaradda Cadaaladda Somaliland.

Xeerka ayaa dhigaya in todobada xubnood ee guddigani isugu jiraan, laba xubnood oo ay soo magacaabayaan Ururka Qareenadda, laba xubnood oo uu soo magacaabayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladdu, laba xubnood oo ka kala imanaya labada Gole ee Baarlamaanka iyo Hal Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare oo uu magacaabayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Sidoo kale, waxa uu xeerku dhigayaa in labada xubnood ee ka socda Ururka Qareenadda Somaliland ay waajib tahay in midkood noqdo gudoomiyaha Gudida Ruqsad Bixinta.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories