HomeYuusuf Garaad oo Iska Casilay Shaqadii BBC-da Una Xadhko Xidhinaya dhinaca Siyaasadda

Yuusuf Garaad oo Iska Casilay Shaqadii BBC-da Una Xadhko Xidhinaya dhinaca Siyaasadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankLondon (SLpost)- Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed, ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Yuusuf waxa uu sidan ku sheegay Fariin uu soo dhigay Bartiisa facebook, wuxuuna sheegay in uu 20 sano kadib shalay xilkaas ka ruqseystay.

“20 sano kaddib, waxaan maanta ka ruqseystay BBC World Service oo aan u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga. Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal,” ayuu bartiisa facebook ku soo qoray Yuusuf Garaad.

Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa muddo dheer la soo shaqeynayay BBC World Service guud ahaan, gaar ahaanna Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, isagoo marka laga soo tago in uu ahaa madaxii Laanta uu dhanka kale ka mid ahaa Barnaamij soo saarayaasha iyo wariyayaasha ugu firfircoon BBC-da.

Intii uu xilka madaxnimo ee Laanta Afka Soomaaliga hayay Yuusuf Garaad waxaa uu wax ka beddelay qaabkii shaqo ee laanta, isagoo sidoo kalena ku soo daray wariyayaal badan oo cusub, iyadoo dhanka kalena ay xusid mudan tahay in ay shaqadii laanta ka tageen wariyayaal dhowr ah oo qaarkood iskood uga tageen, halka kuwo kalena la sheego in ay meesha uga baxeen khilaaf dhexmaray Yuusuf Garaad.

Inkastoo aanu Yuusuf Garaad si cad ugu sheegin farriintiisan in uu arrimaha siyaasadda u weekday, haddana waxaa jira warar sheegaya in uu hunguri kaga jiro siyaasadda Soomaaliya oo uu weliba doonayo in uu ka mid noqdo musharrixiinta dooneysa in ay qabtaan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories