HomeYuusuf Cabdi Gaboobe: Hal qoraal laba ujeeddo ku qumi, yaanay god xun...

Yuusuf Cabdi Gaboobe: Hal qoraal laba ujeeddo ku qumi, yaanay god xun kuu qodin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wargeysyada ka soo baxa dalka Soomaliland ayaa kuwa ugu af-dheeraa ee mucaaridka ku ahaa dawladdii Riyaale waxaa ka mid ahaa wargeyska Haatuf. Waxaa hoggaanka u hayay Yuusuf Gaboobe. Ma dedaal yara, waxaa se inta badan wanaag uu bulshada ka heli lahaa qalinkiisu ma yaqaanno in uu u hoggaansadaano hiyi durugsan iyo hammi fog. Tani waxay had iyo jeer u keentaa in uu qalinku taraaro oo xagal-daaco.

Saxaafada Soomaliland ayaa isku tiirsan oo inta badan laga dareemaa in ay anshaxa iyo asluubta qoraalka u hoggaansamaan. Hase yeeshee, waxaa taa ka reebban wargeyska Yuusuf Gaboobe ee Haatuf oo ishiisu waxay qabtaan qalinka u hura. Caqliga iyo dareenka xishoodka ayaa inta badan waaya goob ay ka degaan wargeyska Yuusuf Gaboobe.

Dhawr jeer ayaa xilligii xukuumadii Riyaale Maxkamada la geeyey laguna oogay in uu qalinkiisu wuxuu qoray caddeyn kari waayey. Tani mararka qaarkood waxay u keentay in uu xadhig ku muto. Hase yeeshee, ma edbiso ama ma tusto dalka iyo dadka u shaqee kana shaqeyso.

Waxaa saxaafadda ku soo biiray wargeyska Geeska Afrika oo muddo yar gudaheed qabsadey suuqa magaalooyinka dalka Soomaaliland. Yuusuf Gaboobe umay aheyn indho-ku-doogsi ee wuxuu dareemay in uu saaxaddii ka sii baxayo, suuq-geynta wargeyskuna hawada ku shareeran tahay. Indhihiisa ayaa is-tusay, ee dadka wali way u heellanaayeen. Markaasuu Yuusuf bilaabey qoraalo af-lagaaddo iyo cay ah oo uu u jeedinayo wargeyska iyo dadka ka shaqeeya qaar siiba kuwa ugu cad-cad oo uu ka mid yahay Maxamed Raambo.

Dadkii aan aqoonta u laheyn ayaa yaabey. Waar Yuusuf ma halkan baad maantana ka boodday ayey dadkii aqoonta u lahaan la soo boodeen. Waa ayaan-darro weyn o haysata qalinkiisa. Waxaa taa ka sii daran in uu dadka Ilaahay hibada u siiyey, dadaal dheeraadana la yimid markay ku qori waayaan wargeyskiisa ee wargeysada kale uu ku arko ay ku keento jihiidhico qalinkiisa dab ku hurisa. Dadkaa waxaa ka mid ah Boobe Yuusuf Ducaale oo bulshada reer Soomaliland iyo dadka ku hadla Af-soomaaliguba u qirsan yihiin in uu yahay Soomalilander qalinkiisa iyo qorigaba u huray dalka Soomaaliland.

Af aanad laheyn sideed odhan. Waxaan se codsi ku soo jeedin lahaa nin waashay tolkiibaa u tudhee, miyuu waayey cid la talisa oo qalinkiisa hoggaan u noqota. Bulshada reer Soomaliland-na waxan odhan lahaa u dul-qaata, habaarina kari mayno oo wuxuu samaynayo waad aragtaan, una ducayn kari mayno oo qalinkiisu xishood iyo asluuba ka tagee.

Talo waxay ka noqotay Yuusuf Gaboobe in uu qalinka ku difaaco xukuumada Siilaanyo, dadkana ku af-lagaadeeyo. Labaduba waa ku ceeb iyo magac-xumo ee qalinka cagta u dhig.

Falaadhi gilgilasho kaagama go’dee gurmad raadso

A. Mohamed…

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories