HomeYurub oo Ka Hadlaysa Xal U Raadinta Muhaajiriinta Qarqiyay

Yurub oo Ka Hadlaysa Xal U Raadinta Muhaajiriinta Qarqiyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

EU(SLpost)-Xubno ka tirsan gudiga Yurub ayaa saaka booqanaya jasiiradda Kos ee dalka Giriiga, si ay u darsaan culeyska ballaadhan ee ka dhashay muhaajiriinta iyo qaxootiga tirada badan ee dalkaasi gaadhay.

Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaal xal loogu raadinayo muhaajiriinta badan ee ku qulqulaya dalalka Midowga Yurub.

150903111207_migrant_train_budapest_512x288_epa_nocredit (1)

Boqolaal muhaajiriin ah ayaa maalin waliba soo gaadha jasiiradda Kos, qaar badan oo ka mid ahna waxa ay ka cabanayaan in muddo ay ku qaadato sidii ay u heli lahaayeen diiwaangelin.Dowladda Giriiga ayaa ballanqaaday in ay shaqaale iyo agab ku bixineyso sidii loo diiwaangelin lahaa muhaajiriintaasi, balse gudoomiyaha Yurub u qaabilsan muhaajiriinta, Dimitris Avramopoulos, ayaa sheegay in dalalka Midowga Yurub looga baahan yahay in ay xalka wadajir u raadiyaan.

Dhanka kale, waxaa weli qasan xaalka caasimada dalka Hungry ee Budapest, halkaasi oo booliska ay muhaajiriin badan ka hortaagan yihiin in ay raacaan tareennada u socda dalka Austria.

Ra’iisul wasaaraha Hungry Viktor Orban, ayaa sheegay in xiisadda ka taagan caasimaddiisa ay tahay mid uu abuuray Jarmalka, maadaama muhaajiriinta ay doonayaan in ay gaadhaan dalkaasi.

Dhibaatada ay maraan muhaajiriinta gaaraya Yurub, ayaa si weyn indhaha caalamka u soo jiidatay, kaddib markii Arbacadii la helay sawir muujinaya meydka wiil saddex jir Suuriyaan ah, oo kusoo caariyay xeebta Turkiga, kaddib markii ay degtay doon uu la socday.

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories