Home“Yurub Baan ka Gacan Haadiyaa Markaan Guuraawee” – W/Q: Maxamed Siciid Gees...

“Yurub Baan ka Gacan Haadiyaa Markaan Guuraawee” – W/Q: Maxamed Siciid Gees ~ Qaybtii 12aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa Taa Xoriyaddii Xamar ha geynin

Haddaw baad xanaaqi eh xamar ha geynin

Waa lagu xasuuqi eh xamar ha geynin

(Calafso)

Ereyadan waxa tiriya abwaan naftii-hure ah, Alla i diray, Calafso. Waa nin wadooyinka Hargeysameelaha googo’an buux-buuxiya, iyada oo aan ciddi u dirin oo aanu shaqaali dawladeed ahayn oo aan wax dhaqaale ah ciddi ku siin, ayaa iskaa wax-u-qabso keligii ku shaqeeyaa. Waxa uu shaqada marka uu qabanayo uu ku qaadaa heeso uu sameeyey oo wadani ah. Tani waxay ka mid tahay heesaha uu qaado, Calafso waa ciidaadii eh waa hees kale oo magac loogu bixiyey. Fikrada heestaasi waxay muujinaysaa taageeradda dadweynahu gooni-isu-taagga Somaliland u hayaan.

Maxamed Siciid Gees
Maxamed Siciid Gees

Dabayshii Midawga Soomaaliya iyo Somaliland waxa ka dambeeyey oo u sabab ahaa, sida uu Marxuun Madaxweyne Cigaal mar uga sheekeeyey laba muwaadin oo Xamar ka yimid oo ku soo biiray xisbigii SNL ama Raabidadii sidii dadku u yiqiineen. Labadaas oo kala ahaa Marxuun Ismaaciil Naxar iyo Marxuun Cumar Maxamed Cabdiraxmaan (Cumar Dheere).

Ismaaciil Naxarwaxa uuahaa nin Maalqabeen ah oo ganacsi weyn ku leh Soomaaliya oo ay shuraako ahaayeen Marxuun Ina Uunlaaye oo reer Xamar ahaa. Waxay wada lahaayeen sharkad gaadiidka ah oo waqtigii Dawladda Boqortooyada Midawday (UK) ay wada xukumi jirtay dalalka Geeska Afrika oo ahaa waqtigii Dagaalkii labaad kadib. Gaadiidkooda ayaa u kala gooshi jiray dhulkaas weyn oo gancsiga transit trade ayey dhaqaale badan ka helaan.

Ismaaciil Naxar waxa uu lahaa Kaam gooni ah oo markaas magaalada Hargeysa ka baxsanaa xaafadda la yidhaahdo Isha Boorame. Dad badan oo Soomaali iyo ajnibaba leh ayaa u shaqayn jiray ka mid. Qudhaydu Kaamkaas ayaan amna ku noolaa waqti uu reerkayagu degenaa.

Shaqaalahaas oo cid walba lahaa aan ka xasuustaa Caliyo oo aan la joogay oo Wershadda Nijaaradda ka madax ahaa, Indhabuur waa Xildhibaan Indha-indho Aabbihii oo nijaar ahaa oo wershadda ka shaqayn jiray, Talyaani Seeki la odhan jiray oo matoorka nalka haystay, Maxamad Ducaale oo Boy ahaa, Ismaaciil yare oo boy ahaa iyo Iidaan oo Kuuk ahaa iyo Cibaaro oo dareewal ahaa. Waxa kale oo aan xasuustaa ey madaw oo daba go’an oo warqab la odhan jiray oo isna kaamka joogay dhinca xaafadayada. Intaas ayaan ka xasuustaa dadkii kaamka joogay.

Kaamku waxa ka dhisnaa daaro nal iyo biyo iyo musqulo leh; halka magaalada Hargeysa ay Aqal Soomaali ku noolayd aanay musqulo lahayn oo banka la tegi jiray rag iyo dumar waagaas oo ahayd bilawgii kontonkii.

Ismaaciil Naxar waxa uu u guuray Xamar markii la kala googoyey mustacmaradii Boqortooyada midawday (UK) ee Geeska Afrika,waxa soo baxay hadal-hays ah ina Naxarba kaa socoy. Waxa uu dib u soo laabtay markii xornimada Soomaaliya soo dhowaatay, Ninkaasi maslaxadiisa ayuu ka dhex arkay Soomaali weyn deeto waa u ololeeyey.

Cumar Dheere isagu waxa uu ahaa Macallin afka Carabiga ku gabya oo raadweyn ku leh dadka wax bartay waqtigaas oo afka Carabiga aad loo jeclaa iyo gabayadiisa iyo heesaha Soodaaniga ah. Seddax xisbi ayaa markaas Somaliland ka jiray oo kala ahaa NUF; SNL; USPoo ku tartamayaa ololaha Soomaali-weyn.

Cumar Dheere 1964 ayaa Hargeysa laga doortay xisbi la odhan jiray SDUoo uu Baarlimaankii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed uu ka mid noqday,isagu waxa uu ka soo jeeday kilinka shanaad ee Itoobiya. Marxuun Cigaal waxa u yidhi labada nin markay noo yimaadeen ayey jibadan Soomaaliweyn ay dadkii gasha oo ay na jiidhay. Maanta waa joogaa taajirkii weynaa iyo kuwii af Carabiga jeclaa iyo saddexdii xisbi iyo kumayaal calafso iyo mujaahidiin ihi waa kobtii!!

Ereygii Awee micnihiisa la isoo weydiiyay, marka aan ku noqdo, waxa uu micnahiisu u dhacayaa sidan. Marka hore erayada afku kuma bilaabmaan shaqal kumana dhamaadaan. Ereyga halka dhawaaqe ihi (Monosyllable) waxa uu ka kooban yahay laba shibane iyo shaqal dhexda ugu jira, haddii ay dhacdo.

Sidaas darteed, waxa ereygan Aw xagga hore ka siibtay shibane, tolow muxuu ahaa? Waa hilaad wixii dambe, Aw barre, Aw Barkhadle magacyada ugu da’weyn ee u ku lamaan yahay ereygu waa kuwan. Aw Barre waxa u dhaw buur oo Boorame xigta oo la dheho Saw Qaylo oo la dheho way guuxdaa. Waxa hilaadinayaa in eraygu ahaa Saw intaanu noqon Aw.

Haddaba, bal aan raadino ereyada ay isku jiridda yihiin ee afka ku jira, waxa qudha oo aan helay ereyga saawir.Micnaha ereygu waa gabaw sida middi saawir ah ama gudin saawir ah oo af lahayn ay wax ku jarto gabaw daraadii. Marka Aw Jaamac ama Saw Jaamac, afka reer Xamarka duq Jaamac, ama afka sawaaxiliga Muzee Jaamac, markii xamar la tegay ayaa reer Somaliland ka xanaaqi jireen Duqa. Waa erey xurmayn ah oo ninka weyn lagu yidhaahdo, Aw, Duqa, Musee,diin shaqokuma laha.

Erayga Awoowe waxa uu ka soo jeedaa Aw, sidaa darteed eraydani waxay ka dhigan yihiin erayga oday.Waxa laga yaabaa in afaf kale oo Geeska Afrika laga hadlaa inala wadaagaan ereygan jiridda ah ee Saw.

Dhammaad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories