Home“Yuhuuddu marka ay heshiis la gaadho dal Muslim ah wax kale ayey...

“Yuhuuddu marka ay heshiis la gaadho dal Muslim ah wax kale ayey ku sii daraan…” – Sheekh Dirir

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeys (SLpost)- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ugu baaqay inay ku baraarugsanaadaan halista Yuhuuda iyo gaalada, oo macluumaadkooda helaan, si waxii uula gudboon ka yeelaan cudurkaa faafaya.

Khudbadii Jimcaha oo u kaga hadlay Yuhuuda iyo waxa xidhiidhkeedu uga dhigan yahay ummada islaamka waxaanu yidhi, “Yuhuudu marka ay heshiis la gaadho dal muslim ah wax kale ayey ku sii daraan, imika markii Qudus loo daayey waxay ku fekerayaan Israa’el weyneyd, oo ka bilaabmaysa Masar ilaa Ciraaq, Maraykanku waxay hadal hayaan Turkigu wuu ku jiree ku darsada. Waxay bilaabeen oo deraasadahooda Baarlamaaka ku soo jira laga ansixinayo, inay dawladaha islaamka magdhow weydiinayaan, tusaale Sacuudiga waxay ka rabaan ayaa la sheegayaa 100 Bilyan dollar, waxay xoolahaasi ama dadkaasi laga lumen laga soo bilaabo wakhtigii Nabiga CSW, dagaaladii Kheybar, Banu-qureyda, Sacuudiga ayey ka dhaceen, dawladahiinuna waa isku mid.”

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Ilaahay SW iyo Rasuulku CSW aad uga digeen hagardaamada Yuhuuda, gaalada, “Diintiinii waan idiin dhamaystiray” Nabi Ibraahim CSW oo ay ka been-abuurteen “Yuhuud iyo Gaalo midna ma ahayn Nabi Ibraahim, Muslim xaniif ah ayuu ahaa” ayuu Ilaahay SW inoo sheegay.

Nabi Maxamed CSW maalin ayuu ummada aad u wacdiyey, mustaqbalkooda uga waramay, dardaarankan ayaa ku jiray “Diintaydan iyo sunnadaydan haysta, oo gawska dambe ku qaniina” waxbaa soo duulduulayee ayuu lahaa rasuulku CSW.

Sheikh Maxamed ayaa sheegay in xidhiidhada cusub ee Yuhuuda iyo dalalka islaamka la dhexdhigayo loola jeedo, luminta qadiyadii Falastiin, isagoo yidhi, “Qadiyada Falastiin, maxaa naga galay iyaga ayey u taalaa, qaarkoodna way gardaran yihiin, ayey ku sheegeen, Ilaahay isagoo ka waramaya waxuu yidhi “Hadii walaaladiin qaarkood gargaar idin weydiistaan, waxa idiinku waajib ah u gargaarkooda”

Hadafka yuhuuda iyo xulafadoodu ka leeyahiin xidhiidhada wadamada islaamka wax aka mid ah in la kala qeybiyo ummada islaamka, ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi “Waxyaalaha ummada islaamku ku guulaysatay ayuu ka mid ahaa wadajirku, way u soo dhici kari waayeen yuhuud iyo gaalo, balse wakhtigan waxay isku deyayaan qeybintooda, qabaa’ilo, xuduudo iyo wadammo loo qeybiyo, Ilaahay SW aad ayuu uga digayaa, “Kuwa is-khilaafay oo kale hala mid noqonina, ee adhaxda ka xabay, markii ay diintii isku diideen? Aayado fara badan ayuu Ilaahay SW ugu baaqayaa ummada islaamka inay midnimadooda xoojiyaan, iskana ilaaliyaan tafaraaruqa.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey dariiqyada loo marayo in lagu hirgeliyo hadafka yuhuuda iyo gaaladu wataan ayaa sheegay in ay ka mid tahay kulminta dadka siyaasada hogaamiyan iyo kuwa diimaha, iyo in loo qiil sameeyo la macaamilka yuhuuda.

Xasilinta mushkilada bariga dhexe waa daliilada ay u marayaan qorshahooda yuhuuda iyo gaaladu, oo khilaafka laga saaro, dadka joogana la wada walaaleeyo.

Dariiqyada loo marayo fulinta qorshayaasha yuhuuda iyo gaalada wax aka mid ah Qaramada Midoobay oo aynu ogsoonahay in qolo (Gaaladu) ku shaqeysato.

Waxyaalaha loo adeegsanayo fulinta qorshahooda waxa ka mid ah iskaashiga haweenka caalamka, khaasatan wadamadan lagu gumaysto ee Carabta, si xijaabkooda iyo guryahooda looga soo saaro.

Sidoo kalena dhalinyarada lagu baraarujiyo in horumarkoodu ku jiro iskaashi dhexmara diimaha yuhuuda, kiristaanka iyo islaamka, sidaana lagaga wacyigeliyo baraha bulshada.

Sheekh Maxamed oo ka digayey halista qorshaha gaalada iyo Yuhudu u degayaan ummada islaamka ayaa saddex qodob ku soo koobay qorsheyaasha ay damacsan yihiin, waxaanu ydihi, “Goobaha cibaadada ayaa loo bedelayaan goobo siyaasadeed, oo masaajidkii iyo xafiisyadii la mideeyo, karaamadoodii laga qaado goobahii cibaadada. Sida kiniisada hawlahaa ugu hayno, masaajidkuna dhib ma laha ee kaga hadla.”

“In diinta iyo manaahijta waxbarashada wax laga bedelo, oo hay’ada unesco guddiyo aynun ku jiri karno loo saaro dib loogu eegayo meelaha diinta lagaga hadlayo, oo waxii arrinkan aan u adeegayn, sida jihaadka iyo ummadaha u qeybsan islaamka iyo gaalada iyo kaafir waxyaalahaa oo dhan laga shaandheeyo, erey bixin kale loo sameeyo, waanu socdaa hirgelinta qorshahaasi”.

“Arrinka ugu khatarsan waa in la daraaseeyo khariidada caalamka ooh aloo abtiryo sidii loo kala lahaa dalalka, oo la baabi’iyo waxii ummada islaamka iyo jihaadkii Rasuulka CSW, meel walba la yidhaahdo yuhuuda hore u lahaan jirtay, oo laga qaaday.” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Dirir.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories