HomeYuhuudda ku Dhaqan Waddanka Guatamela oo La Kulmay Qax iyo Barokac la...

Yuhuudda ku Dhaqan Waddanka Guatamela oo La Kulmay Qax iyo Barokac la mid ah Xasuuqii Gaza laga geystay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- In ka badan 230 Yuhuud ah oo dhaqan Galbeedka waddanka Waddanka Guatemala ee ku yaala qaaradda Latin Ameerika, ayaa ka barokacay guryahoodii, ka dib markii ay kacdoonno kaga yimaaddeen bulshada ku dhaqan deegaankaas.

Qoysas asalkoodu ka soo jeeda qoomiyadda Yuhuudda ee Lev Tahor oo dalkaas u haajiray wakhtiyo hore, ayaa lagu khasbay inay ka guuraan guryahooda oo ku yaala tuulada San Juan ee galbeedka dalka Guatamala, ka dib markii ay kulan la yeesheen wax-garadka qoomiyadda Mayan oo ka tirsan Hindida asal ahaan loogu tagay qaaradda Latin Amerika.

YuhuuddaQoomiyadda Yuhuudda ee ku dhaqan tuuladaas ayaa lagu eedeeyey inay ku kaceen xad-gudubyo ka dhan caadooyinka ay dhaqan u leeyihiin bulshada Mayan-ka oo badankoodu yihiin dad cawaan ah oo ka xidh-xidhan shacabka ku dhaqan dalkaas.

Todobaadyadii u dambeeyey wax la arkayey dadka Yuhuudda ah oo isu diyaarinaya inay ka guuraan tuulada San Juan oo 150KM dhinaca Galbeed kaga beegan caasimadda dalka Guatemala.

“Waxaanu nahayd dad nabad lagu yaqaano, si aanu uga hortagno dhibaato dhacda, waxaanu go’aansannay inaanu iskaga guurno halkan,” sidaas waxa yidhi Tahor oo ka tirsan dadka Yuhuudda ah oo la bara-kiciyeyh. “Xaqbaanu u leenahay inaanu halkan joogno, laakiin waxay noogu hanjabeen inay na laynayaan haddii aanaan ka tagin.”

Dadka deegaanka ku dhaqani waxa ay ku eedeeyeen Yuhuudda inay faro-geliyeen caadooyinkooda isla markaana ku khasbeen dadka kale inay diintooda qaataan.

jews“Waxaanu sidan u samaynay inaanu difaacno Sharafta iyo xuquuqda ay leeyihiin dadka u dhashay deegaankan. Dastuurka Guatemala ayaa ilaalinaya xuquuqdayaa, maxaa yeelay waxaanu u baahannahay inaanu ilaalino dhaqankayaga iyo diintayada,” sidaa waxa yidhi afhayeen u hadlay golaha odayaasha oo lagu magacaabo Miquel Vanquez.

Tallaabada ay shacabka ku dhaqan dalka Guatemala kala hortageen Yuhuudda ku dhaqan dalkooda, ayaan ku koobnayn tuuladaas oo kaliya, balse waxa muddooyinkii u dambeeyey socday kacdoonno dawladda Guatemala lagaga dalbaday inay dalkooda ka mastaafuriso dadka Yuhuudda ah ee ku dhaqan.

Waddanka Guatamela ayaa ka mid ah lix waddan oo ka tirsan qaaradda Latin Amerika, kuwaas oo xidhiidhka dibloomaasiyadeed u jaray dawladda Israa’iil muddadii uu socday dagaalkii lagu xasuuqay shacabka Falastiin, iyaga oo safiirradoodii u joogay dib uga yeedhay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories