HomeYemen: Askari isu beddelay Naftii-hure oo galaaftay nolosha 120 ciidamada dalkaas iyo...

Yemen: Askari isu beddelay Naftii-hure oo galaaftay nolosha 120 ciidamada dalkaas iyo dhaawac tiro beelay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[S]anca (SLpost)-Ugu yaraan Boqol iyo labaatan qof ayaa ku dhintay Magaalada Sanca ee xarunta wadanka Yemen kadib markii saaka subaxnimadii uu ruux miidaamo ahi uu isku dhex qarxiyay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka-sida oo samaynayay Socod Gaaddo ka ciyaar ah.

blankRuuxa weerarka miidaamada ah fuliyay ayaa la sheegay inuu xidhnaa lebbiska ay qaataan Milateriga wadankaasi,waxaana weerarkaas is qarxinta ah ku dhaawacmay laba boqol oo askari.
Saraakiisha dawlada Yemen ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhacay fagaare u dhow Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Sanca.

blankWeerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka dhaca Magaalada Sanca tan iyo markii Madaxweyne Cabdi-Rabu Mansuur Al Haadi loo dhaariyay jagada Madaxtinimada ee Wadanka Yemen horaantii Bishii February .

Bilawgii bishan ayuu madaxweyne Haadi amar ku bixiyay in hilfaha loo qaado kooxaha xag jirka ah ee xidhiidhka la leh urur-weynaha Al-Qaacida.

Decreeto Madaxweyne
Dhanka kale, digreeto ka soo baxday aqalka madaxtooyada dalkaas ayaa xilalki ay hayeen lagaga xayuubiyey saraakiishii ugu sarraysay Amniga dalkaas ka dib markii ay masiibadani ku habsatay ciidamada.
Digreetada oo uu ku saxeexnaa madaxweynaha dalkaas ayaa xilalka lagaga qaaday taliyihii Xarunta dhexe ee Xoogagga Amniga Abdul-malik al-Taib, Taliyihii Qaybta Badbaadada Mohammed Abdullah al-Qawsi iyo ku-xigeenka Taliyaha Sirdoonka Qaranka, waxaanu madaxweynuhu jagooyinkaas u magacaabay masuuliyiin cusub. Fadhal Yahya al-Qawsi waxa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Xarunta Dhexe eeXoogagga Amniga, Mohammed Jamee al-Kadar waxa loo magacaabay Taliyaha Sirdoonka halka Hussein Mohammed al-Radhai loo magacaabay inuu la wareego Waaxda Badbaadada Qaranka.

Al-Qaacida oo Khasaaraha Sheegatay
Kooxda Ansar Al-Sharia oo ay xidhiidh leeyihiin urur-weynaha Al-Qaacida, si ballaadhan-na uga hawl-gala gobollada Abyan iyo Shabwa ee Koonfurta Yemen, ayaa warku tibaaxayaa inay sheegteen masuuliyadda weerarka ay askarta badan ku dhimatay ee ka dhacay magaalada Sanca.

blank

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories