HomeYay Dhaliili Doonaan Hadey Dhama’do Maantana- Qalinkii Ismail Mohamed Gadiid

Yay Dhaliili Doonaan Hadey Dhama’do Maantana- Qalinkii Ismail Mohamed Gadiid

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Salaan qaaliya oo qiimo badan iga gudooma dhamaan bahda saxaafada oo habeen iyo maalin u heegan ah iney hamuunta warka leeyahey uga hiiliyaan bulshadooda Dibed iyo Guddo joog ah. Inaan hollado qalinka anigoo aan in muddo ahba  tiigsanin waxaa i hud-hudaya dabeylaha siyaasadeed ee Carro-Edeg dul hoganaya  mudooyinkan iyo sida iyadoo GEEL loo heesayo kolba GORAYADA loola soo shir tegeyo, hadalku laba ma aha ee waa mid.

Shirkan dawlada Britain iclaamisey in badanbaa laga Hadley weliba waa shirkii ugu warbixinta badnaa ee la qabto taasoo aad odhan karto Britain waxay u hiilineysaa Somaliland (nin wayn tag lama yidhaahdo ee wuxuu ku tago ayaa la tusaa) si aaney uga soo qayb gelin shirka, kolkaad eegto talaaboyinka diblamaasiyeed ee ay qaadayso waxaana ka mida:

1)    Xogta faraha badan ee loo soo daayey warbaahinta kuwaaso dhamaan muujinaya hal ujeedo oo ah in Somaliland ayna meesha waxba u Oolin.

2)    Qoraalada iyo Ajendahuba waxey muujinayaan in la yeedhinayo go’aamo ku tacaluqa hab lagu maamulayo Soomaaliya, kuwaasoo wejigii 3/4aad uu yahey shirkani , su’aashu waxey tahey xagee baynu kaga qayb galney wajiyadaa hore?, maamul AU/UN ka kooban oo Somaliland la keenana xageebaynu ku ogolaaney?

3)    Wufuud meeqaamkoodu sareeyo oo gaalaa baxaya Somaliya gaar ahaan Majeerteeniya iyo Muqdisho dhanka kalena safiir/ku xigeen safiir ayaa Somaliland gaalaa baxaya waxa qosol ah sheeko caruurta madaxweynihiina waxaa tell-ka kala Hadley/hadli doona Prime Minister ama William Hague miyaan waxba laga xishooneynin.

Wasiirka arimaha dibeda Somaliland ee ku dhawaaqaya shakigii ayaa nalaga saarey iyo kuwan leh UDUB ayaanu matalnaa ee meeqaamka Somaliland ku imaneyso ka sheekeynayaa midna ma taaban sababta iyagana safiiro loogu soo dirayo garoowe iyo muqdishana laba secretary 2 cisho oo isku xigta loogu dirayo,  madaxweynaha tell-ayaa lagula soo xidhiidhey sheeko caruur, midkee ayay nabadi taalaa hargeysa iyo muqdisho, maka jawaabi kartaa dawlada Somaliland sababtaasi waa su’aal dhextaal ah?

Ma aha shirka noocan oo kale ah inay dawladu u adeegsato MAXASTEEDA ama dibed ku nool ama guddaha joogta iyadoo durbaanadiina iyo dhawaaqiina  ku muujiya ictiraafkii ayaa halkaasi yaala oo dawlada ingiriiska ayaa ina soo casuumtey, waa damiir xumo, waa danbi qaran waa umad caqligeeda iyo aqoonteedaba la caayayo, bilaa-calayk madaxweyne jooji siyaasadan qiirada guulwadeynta ah ee ay xukuumadaadu ku bashiishaneyso, dawlada ingiriisku ha imanina ayuu ficilkeedu yahey(dublamaasiyada sideedaba ficilada ayaa la fasiraa ee qawlka siyaasiga laguma ekaado)way cadahey talaabooyinka dawlada ingiriisku qaadeyaan waa mid tarjumaadiisu tahey qaadaca shirkan, Ahmed yusuf yasiin ayaa dhawaan yidhi dawlada ingiriisku mawqifkeedu sidan ma aheyn markaanu joogney- dawlada ingiriisku waxey door hogaamineed ka ciyaareysaa in dalkii somaliya maamulkiisii la hoos geeyo qaramada midoobey waxeyna rabtaa iney ka badbaadiso Somaliland qorshaha la midka ah kii Butrus B Qaali, kaasoo had iyo jeer ay MASAR+ITALY lasoo shir tagaan akhri waraaqda talyaanigu soo jeediyey, (eeg qaabka uu dawlada ingiriiska ula hadlayo xaga arimaha Somaliland).

Si cad oo qaawan u odhan mayso dawlada Britain haka soo qayb gelina shirka Somaliland-eey waxayse kuu muujinayaan in aanad muhiim aheyn, qawda-na waxey maqashiinayaan caalamka kale ee waxan inaga dhayda inaga lisey waa maxey? Ma meel aan rabey roob igu erribaa madaxweyne? Maxaad awrtan xidhiidhsan ula aadeysaa BAASLE?  Hadii aad madaxweyne noo sheegtey in Cali Khaliif ku khiyaameeyey khasaaraha ka dhasheyna aan arkeyno bal ka waran kan caalamkana?

Waraaq iyo laba midna laguma soo koobi karo, Caadna ma saarna shirkan waa kii ugu xogta badnaa shirarkii Somaliya loo qaban jirey, waxase cad xaajo arin kaaga meel yaallo ninka FAAL-ka u rogaa isagaa cirka roob ku og, Madaxweyne shuruucda dalka taala ee aad ku fadhido ku dhaqan cid kugu dooratey sharciga tuur oo caqligaaga nagu hogaami ma jirto hana joojiso xukuumadu durbaanadan ay waxma garatada iyo maxasta dibedaha ku nool leedahey buuqiina badiya, tallo waxey ku ururtey waraaqda SSE ama jaaliyada Somaliland ee EU.

INTEY DHIBIBIDEE HORE

INTEY DHIDIDAYEE KALE

INTEY DHAQAN XUMAATIYO

INTEY DHACANTEY MAANDEEQ

MIDNA KUMA DHADHABAYEE

BAL YEY DHALIILI DOONAAN

HADEY DHAMA’DO MAANTANA?  – (Dhayalsi   Shahiid Ahmed M W [Ahmed-jiiniyas])

ISMAIL M GADIID

imgadiid@gmail.com

3rd feb 2012

LONDON UK.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories