HomeYaan la sugin in Somaliland Fursad Saddexaad siiso Soomaaliya!

Yaan la sugin in Somaliland Fursad Saddexaad siiso Soomaaliya!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

IMG_7522Inta aanan u gelin mawduucayga waxa aan jeclaystay in aan iftiimiyo ereyga (fursad). Haddaba ereyga fursad -naxwe ahaan- waa magac guud oo dheddig ah isla markaana ah magac keli ah oo wadartiisu tahay (fursado), macnihiisuna luqad ahaan- yahay waqti ku habboon in lagaga faa’iidaysto in arrin lagu dhaqaaqo ama hawl diyaar ah la fuliyo. Sidaa daraaddeed fursaddu waa waqti qaali ah oo hadday ku seegto aan soo noqonayn.

Haddaba aan gudaha u galo mawduucaygii aan kor ku soo xusay: Waxa laga yaabaa in aqristuhu is weydiiyo:Tolow waa maxay labada fursaddod oo ay Somaliland siisay Soomaaliya? Haddaba aniga oo ka jawaabaya su’aashaa dahsoon waxa aan odhanayaa: Somaliland waxa ay Soomaaliya ugu deeqday laba fursadood oo qaali ah kuwaas oo kala ah:

1- Somaliland ayaa kaga horreysay madaxbannaanida Soomaaliya. Waxa ay Somaliland madaxbannaanidideeda la soo noqotay halgan dheer oo gobonnimo doon ah kadib 26ka Juun 1960kii, Soomaaliyana waxa ay madaxbannaanideeda heshay maalmo kadib markii ay Somaliland qaadatay. Haddaba Somaliland waxa ay xaq u lahayd in ay noqoto dowlad madaxbannaan sida dawladaha Jabuuti, Kenya, iwm, markii ay madaxbannaanidooda ka qaateen gumeystayaashooda. Sidaa darteed Somaliland sidaa may yeelin, balse waxa ay doorbidday iyada oo ictiqaadsan faa’iidada midnimada, in ay calankeedii sharafka lahaa ay u qaaddo xaggaa iyo Soomaaliya si ay u noqdaan qaran mideysan. Haddaba aqristow taasi waa fursaddii koowaad oo ay Somaliland siisay walaalahood Soomaaliya. Haddaba fursaddaasi lagama faa’iideysan oo waxa ay dhammaatay markii Somaliland loo weeraray sida cadaw oo kale lana xasuuqay loona geystay xad-gudub ba’an.

Aah! Aah! Aah! Waan ka xumahay oo waan canbaareynayaa dadka xad-gudubyadaa geystay. Haddaba aqristaha sharafka lohow waxa aad iga sugeysaa jawaabtii labaad. Waxaa aan odhanayaa aniga oo taa ka jawaabaaya: Fursadda labaad oo ay Somaliland siisay Soomaaliya waa sidatan: Somaliland waxa ay qaadday halgan labaad oo ay u gashay sidii ay uga xoroobi lahayd cadawgii soo weeraray ee uu hoggaamiyaha u ahaa keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Haddaba Illaahay SWT waxa uu u suuraggeliyay in ay ka xoroobaan. Haddaba Somaliland waxa ay awooddey kaddib markii ay cadawgii dhulkeedii ka saartay in ay noqoto dowlad madaxbannaan. Sidaa darteed sidaa ma ay yeelin haseyeeshee waxa ay go’aansatay in ay caawiso jabhaddii USC si ay waddanka uga saaraan dowlaaddii kelitaliska ahayd. Somaliland waxa ay jabhaddaas kula guuleysteen in ay waddanka ka xoreeyaan keligii taliyihii Siyaad Barre. Haddaba waxa la doonayay in la wada tashado oo la dhiso dawlad midnimo qaran oo loo wada dhan yahay. Taasi ma aysan dhicin. Haddaba maxaa dhacay? Wixii dhacay waa wax fool xun oo ay taariikhdu ogtahay.

Waxa dhacay iimaan la’aan iyo kalsooni darro! waxa la sameeyay dawlad qabiil oo uu hoggaaminayo Cali Mahdi! Haddaba maxaa la gudboonaa dadkii Soomaaliyeed? Waxaa habboonayd in ay yidhaahdaan: Walaalladeen Somaliland hana hoggaamiyaan. Waayo waxa loo geystay xasuuq misana way illaaween dhibaatadooda oo inaga ayay na caawiyeen.

Haddaba Somaliland sow xaq uma laha kaddib fursaddaa labaad in ay gooni isu taagto? Qof kasta oo caqli wanaagsan oo caafimaad qaba leh waxaa uu odhanayaa haa. Haddaba waxa aan ku soo gunaanadayaa: Soomaaliya yeysan Somaliland ka sugin fursad saddexaad oo midnimo iyo Soomaaliweyn. Wabillaahitawfiiq.

 

Cabdicasiis Maxamed Maxaad (Suudaani)

Tel No: 0634176404

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories