HomeYaa Qabyaalad Dheefsadey Yayse Hagtaa?

Yaa Qabyaalad Dheefsadey Yayse Hagtaa?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hadaba sidaynu maalimahan lasocono waxaa xogaystey in si qaawan loo isticmaalo qabyaalad oo aad arkeyso dadkii oo aan ka xishooneyn oo shaashadaha lasoo fadhiya qabyaalad qaawan dhamaan dhalinyaro, aqoon yahayan iyo odayaalba oo waliba isla toosan hadaba markaa aynu fahanu  maxay tahay qabiil iyo qabyaald QABIIL:- Qabiil waa qaab dhismeed jiritaanka Qawmiyad meel ku wada nool qaybaheeda hoose ee ay u kala baxday, waxayna u sii kala baxdaa jilib- jilib/laf-laf, reer-reer degaanadooda iyo degmooyinkooduba u kala gaar ah haddii ay doonaan isku baad biyo ba wadaagi kara. Dhaqan ahaanna taariikh soo jireen ah lahaan jiray oo xeerar wanaagsan isku dhaqi jiray iskuna hoggaamin jiray qarniyadii hore, saamayn weynna ku leh bulshooyinkeenna xoola dhaqatada ah dhexdooda.
QABYAALADDA
Ku dhaqanka afcaasha iyo ablayaasha taban ee qabiilka ayaa la yidhaahdaa qabyaalad. Qabyaaladdu waxay timaaddaa marka qabiilka loo isticmaalo wax kasta oo ka soo horjeeda sifooyinkiisa wanaagsan. Dhanka togan ee qabiilku waa ula jeedka xaqiiqiga ah ee Alle u abuuray. Haddaynnu si kale u nidhaahno, qabyaaladddu waa u adeegsiga magaca qabiilka dano gaar ah oo aan bulshada midayanin. Sidoo kale, qabyaaladdu waa marka magacyada qabiilka loo isticmaalo kala sarraysiinta bulshada, kala faquuqidda, kala qoqobka, iyo isliidka bulshada dhexdeeda ah. Qabyaaladdu waa marka aad laba qof ku kala dhaweysato ama ku kala jeclaato abtiirsiimada. Waxaan odhan karaa afcaasha ama ablayaasha taban ee qabiilku waa danaysiga qabiilaysan (danta ku dhisan anfac siinta qabiil gaar ah), is dulleynta reeraysan (bulshada oo loo kala sarraysiiyo hayb ahaan), is collaysi iyo cadaawad ku salaysan abtirsiinyo hayb hayb ah.
Maxay diintu ka tidhi qabiilka ama in uu qofku qabiiliste yahay oo aan islaamnimada shaqo ku lahayn ama in uu muslim yahay oo aan shaqo ku lahayn qabiilka. Al-Xujuraat,aayad lambar 13, Allah subxaanahu watacaalaa wuxuu qur´aankiisa ku yiri: dadow, waxaan idinka abuuray,lab iyo dheddig,waxaana idinka yeellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isugu garataan,ruuxase ugu sharaf badan oo ugu karaamo wanaagsan Rabbi agtiisa,waa qofka ugu dhawrsasho badan oo ugu taqwada fiican,Allahna wax walba waa ogyahay. Markaa waa labo mid uun ama in uu qofku qabiiliste yahay oo aan islaamnimada shaqo ku lahayn ama in uu muslim yahay oo aan shaqo ku lahayn qabiilka.
Hadaba Marka laga hadlayo xumaanta qabyaaladda meel kale ha ka doonin ee bal u fiirso soomaalida. Waxa maanta gumeeyey waa qabyaaladda, waxa kala irdheeyey waa qabyaalad, waxa kala qoqobay waa qabyaalad, waxa gunnimada, saboolnimada, jahliga, dulliga, iyo darxumada ugu wacani waa darajada ay ka gaadheen qabyaaladda. Meel aad u sarreysa oo bulshooyinka adduunku malahayga hore aanay uga gaadhin dib na aanay uga gaadhayn ayay soomalidu qabyaaladda ka gaadhay. Hadaba qabyaaldi waxay bulshada usii kala saartaa qoys qoys ilaa odey odey bay usii qaybsi oo kuwii isku qabiilka ahaa baa kala qoys noqda oo is colaadiya hadaba bulshada dhamaanteed wey ogtahay inaaney qabyaaldi dheef lahayn oo xin iyo xaasid abuurto hadaba yaa qabyaalad dheefsadey yayse hagtaa.

  • Qof maanagaab ah (low-level intelligence) oo kalsooni daro haysato sida
  • Dadka aan maskaxdooda kaga shaqeesan karin oo aan ku kalsoonayn fikradaha maskaxdooda ka soo go’a.
  • Dadka uu haysta inay fikradahooda ka liitaan fikradaha dadka kale.
  • Dadka iska aamina wax kasta oo uu u sheego qof ay isku qabiil yihiin.
  • Dadka laga dhaadhcin karo sheekooyinka halaasiga ah sida qabiilka iyo khuraafaadkiisa.
  • Dadka aan baadhitaan (RESEARCH) sameen karin si ay u ogadaan xaqiiqda.
  • Qof fulay ah oo ka baqaya in reerkiisu ku qoslo hadii fikradiisu tooda ka duwanaato.
  • Qof aaminsan inaanu noolaan karin qabiil la’aantii.
  • Qof aamisan inaanu shaqo fiican heli karin qabyaalda la’aanteed.(markaa waa inuu qabyaalad ku shaqeeyaa markuu xil qabto).
  • Qof sidiisaba ka baqa inuu waxa saxa ah sameeyo maadaamaa dad badani ay kugu kacayaan markaad waxa saxa ah sameesid.
  • Qof aan wadaninimo lahayn oo qabiilkiisu wadanka kala weyn yahay

By abdiqaadir Maxamed Ibraahim
Abdiqaadir300@gmail.com
Tell 4415327

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories