HomeYaa Ka Masuul ah Sariibadda Gobanimo?

Yaa Ka Masuul ah Sariibadda Gobanimo?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeisa waxay leedahay suuqyo badan, se waxa ugu wayn laba suuq mid waa suuqa Waaheen ama Shiraaqle ka labaadna wa suuqa Gobanimo, suuqa Gobanimo oo caan ku ah khudradda, caanaha, iyo qalabka guryaha lagu qurxiyo waxa ku ganacsada dad aad u fara badan una badan dan yar. Dawalddu waxay hinidstay in dadka dan yarta ah ee ka ganacsada khudradda isla markaana laga qaado cashuur in loo dhiso hangaro ay ku hoos ganacsadaan oo ay ka galaan roobka, cadceeda, dabaylaha iyo dayaca kale badan ba.

Haddaba sariibadda Gobanimo waxa hindiseheeda la bilaabay badhtamahi 2017, waxaana maal-gelinta laga bixinayay sanduuqa JPLG-ga oo dawladda hoose ku darsato wax ku dhaw 14% inta kalena ay ka timaado hay’adaha deeq bixiyayasha, waxay shaqada banaynta iyo dhiska si rasmi ah loogu bilaabay Feb 2018, halkaaso oo ay ka dhacday munaasabad ay kaso qayb galeen Wasiir Maxamed Kaahin iyo Maayir Cabdiraxman.

blank

 

Munaasabadaas waxa lagu qiray aadna carrabka loogu adekeeyay in dadka laga raray meesha ee marki hore deganaa qofkasta la siyay kaadh kaaso oo hadhow boos u ku heli doono, isla markaana aan cid kale oo bannaanka kaga timaadda aan la siinaynay wax boos ah intaasina ay dawladda u diwaan gashantahay.

Labada hangar waxay qaadatay dhiskoodu muddo ku siman 11 bilood. Hangaradu waxay ka samaysan yihiin jaajur iyo jiingad, waxa aan uga jeeda ma laha tirar shub ah iyo sagxad shub ama sagbad ah, inta aan ka arkay gudaha hangarku gidaaro boos-boos u kala qaybiya ma laha ee wa isku furanyahay.

waxa xadhiga laga jaray sariibada Gobanimo ee hadda lagu magaca daray Soltelko 11, July, 2019. Xaflad aad looso agaasimay aadna loogu mahadiyay Maayirka ayaa lagu dhex qabtay hangarada, Haddaba sida caadiga ah waxay ahayd haddiba xadhiga laga jaray in dadki bosaska laga kiciyay ee sugayay in dib lo dejiyo oo logu wareejiyo boosaskoodi, se waxa lagu wareejayay ciidan bilays ah oo lagu yidhi gaadh ka haya ilaa amar danbe.

Muddo dhan 40 casho ayaa maanta laga jooga inti xadhiga laga jaray ee anay cidna gelin hangaradaas dadkiina weli sidi u wadhanyahay dariiqyada. runti dhib badan ayay ku jiraan dadki danyarta ahaa ee mudaadas sugayay oo meel kale ma aysan tegine, waxay fadhiisteen dariiqa wayn agtiisa dabadeed waxay noqotay dhib wayn oo saamaysay danyarti ku ganacsanaysay, babuuburti meesha mareyasay iyo dadki kale ka adeeganayayba, sababt oo ah ma jirto meel laba gaadhi isku dhaafan ama u qof istaago ba.

Runti qof kasta wuxu is waydiinaya su’alo faro badan marku arko xaal sidu yahay oo ay ka mid tahay yaa meesha loo dhisay?, hadiiba la wareejiyay yaa lagu wareejiyay?, horta ya ka masuul ah iminka ileen masuulki dhisayay wa wareejiyaybe?, guddidi la shaqaynaysay dawladdu ee matalaysay dadka meesha loo dhisayay meeday?

Ugu danbeynti waxa aan kuso gabogabaynaa meesha xan badan ba ka jirta oo suuqa dadku si isku mid ah kuugu sheegayaan, ee waxaan leeyahay Allihi idin abuurayba ka xishooda dadkana caqligooda yaan la caayin. Taarikhdana ha iska xumaynina ee meeshaas dadki loo dhisay ee cashuur biixiyaasha ahaa si degdeg ah ha loogu wareejiyo.

Fiiro-Gaar ah:

Labada link-ki ee hoos ku qoran wa malinki la baneeyay iyo maalinki xadhiga laga jaray munasabadihi dhacay war bixinihi laga duubay.

1. https://youtu.be/I93600fs-tE
2. https://youtu.be/QXQq2QGBtIo

Waxa Qoray;
Cabdiraxmaan Ismaciil Maxamed (Cawl)
Abdirahmaan.dr@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories