HomeYaa haraggeedii nagaga celiya?! - Qaybtii 3aad

Yaa haraggeedii nagaga celiya?! – Qaybtii 3aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

(Taariikhaha  5 Feb iyo  23 Feb iyo shaqsiyaadka xilka ummadda  xilligan  hayaba ,waxay ahaan doonaa qaar  ay shacabka reer Somaliland xasuusan doonaan,wanaag iyo xumaan hadba kay ku xasuusan doonaana  ILLAHAY  ayuun baa og)

 Xusuus:-

Madax badan oo ka mid ah madaxdii ugu saraysay Dowladihii Soomaaliya soo maray intii u dhacaysay 1960 ilaa 1991,waxaa ka maqlay iyagoo leh “Somaliland waxaa 1960kii ka yimid dad yaacaya,jibaysan,oo Somaliweyn madaxmartay,oo aan wax talo ah ku wada socon,taas ayaana keentay in ay waxba ku yeelan waayaan awoodii Dowladihii jiray xiligaas”

 “Waanu u sii tashanay haddii  aanu Soomaalidii Koonfurta nahay,oo waxaanu ku talo galay in aanu shuruudo ku xidhno,laakiin Woqooyi waxaa ka yimid dad iska yaacaya oo aanay waxba u diyaar ahayn”

 Xusuuso:-

Md.C/raxman Axmed Ali(C/raxman Tuur) Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland (ILLAHAY naxariistii Jano ha siiyo,wuxuu  yidhi:-

“Shacabka  ayaa doortay gooni isu taaga Somaliland ,shacabka ayaa laga rabaa in ay  ilaashadaan”.

 “Waa laga yaabaa in aanu qaldano haddii aanu  Siyaasiyiinta nahay,ee  waa in Shacabku na ilaaliyaa,oo ay wadada saxa ah nagu  toosiyaan”

 “Reer Somaliland si yar ayaa jibo u qaadaa,waxaa fiicaan in aad iska ilaalisaan deg dega iyo jibada”.

 “Waa in aynu iska ilaalinaa wixii ay 1960 kii ,inagu dhacay,waxaa fiican in aanay mar labaad inagu dhicin”

Xusuus:

Maxamed X.Ibrahim Cigaal-Madaxweynihii 2aad ee Somaliland  ILLAHAY naxariistii Jano ha siiyo,wuxuu yidhi:-

 “Qof caashaq  ayeynu naqaanaa” “Weli inta aynu meel fadhiisanay ma isweydiinay  maxaa  inoo dan ah?  “Way howl yar tahay sida la idiin karbaashaa”  “ dan la iima dooran ee ILLAHAY ayaa ii qoray”—–Erayadaa waxaa  Khayrida Hargeysa ka yidhi  ILLAHAY  NAXARIISTI JANO HA SIIYEE Madaxweynihii  hore ee Somaliland Md.Maxamed X.Ibrahim Cigaal.

 “Kuwii dhintay idiinkama baahna in aad u aartaan,idiinkama baahna in aad u ooydaan,kuwa nool ayaa idiinka baahan in aad badbaadisaan”

 “Shalay jibo ayaa idin geysay Soomaaliya,maantana jibo ayaa idin keentay Somaliland,berina jibo ayaa idin geyn doontaa Soomaaliya”

Xusuus:-

Md:- Daahir Riyaalle Kaahin,Madaxweynihii hore ee Somaliland wuxuu yidhi:-

 “Dumuqaraatiyada Somaliland maanta ka jirta waxaa aasaaskeeda lahaa Madaxweynihii iga horeeyey, ALLE ha u naxariistee Md.Maxamed X.Ibrahim Cigaal,anigu  waan hirgeliyey,waana taas aynu maanta midhaheedii guranayno”

 “Nabad aad keligaa haysataa waxba kuu tarimayso,waxaa ku dadaalay sidii aan wadamada deriskana ula heshiin lahaa,waxaan ka bilaabay Jaabuti,Itoobiya iyo Kenya “

 “Walaalkay Ahmed (Siilaanyo) wuxuu nasiib u yeeshay in uu la wareego  dal dhisan ,nbadad ah,wada jira,dadkiisii wada joogaan “!!

Xasuus:-

Abwaan Ibrahim Gadhle ILLAHAY  naxariistii Jano ha siiyo!

Waar! hoy! dadkaygoow

Laba daan dhexdoodiyo

Dalqo bahal qof galayoo

  Dirqi iyo tu fool adag

  Debedda ugu soo baxay

  Halkii shalayto lagu dilay

  Ma dareemi waayee

  Durba miyaa iloowdeen

  Duunyadiinii dhacantiyo

  In dadkiinii maqanyahay

 

Xusuus:-Abwaan Cali Sugule:-

Nina diric ahaantii

Daleel guusha kama helo

Dadkaa geesi lagu yahay.

Hadal iyo dhamaan ma layaga yaabaa in mar kale ay reer Somalilnd  galaan qaladkii 1960kii ay galeen ? ma laga yaabaa in reer Somaliland ay markale iska yaacaan iyagoon  aan wax shuruud ah la gelin Soomaaliya ?,  suaalaha jawaabahooda  runtii aad iyo aad ayey u adag yihiin xilligan,balse waxaa muuqda saansaan u eg tii 1960kii,  xusuustaa faraha badan iyo halgankii   dheeraa  shacabka reer Somaliland soo galeenna wuxuu u muuqdaa  “hal bacaad lagu lisay”

ALLAA  MAHAD LEH

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Political Analyst

abdi_saleiman@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories