HomeYaa harageedii nagaga celiya? - Qaybtii 4aad

Yaa harageedii nagaga celiya? – Qaybtii 4aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wada hadal !!

 (“Wada hadla” waa eray Afsoomaali ah,macnihiisuna waa cadyahay,laakiin qolaba sidii ay jeclayd ayuun bay  u macnaysatay).

23 Feb 2012 waxaa London ka dhacay Shir ay ka soo qayb galeen  ergooyin 50 ka badan ,isugna jira Dowlado iyo Ururo caalami ah .Shirkaa ujeedadiisu waxay  ahayd amase  lagaga hadlay  arimo  u gaar ah Soomaalida ,laguna soo koobi karo siyaasada,samafalka,  amaanka iyo horumarka sidii looga caawin lahaa guud ahaanba  dadyowga Afka Soomaaliga ku hadla.

Dhinaca Soomaalida waxaa Shirkaas  London  uga  qayb galay  wufuud ka kala socday Soomaaliya(TFG),Puntland,Galmudug iyo Ehlu Suna Waja maaca oo isku dhinac ah iyo Somaliland  oo iyana  dhinac ah.Warmurtiyeed laga soo saaray isla maalintii 23 Feb,markii  shirku dhamaaday waxaa ku qornaa 26 qodob,oo dhamaantoodba ka  hadlaya guud ahaan  arimaha Soomaaliya, sida Siyaasada,nabadgelyada , gargaarka samafalka iyo  International Contact Group (ICG) iwm.

Waxaa jira qodob ka mid ah 26 qodob ee Shirkii London ka soo baxay ,oo aad moodo runtii in laysku maan dhaafsan yahay , loona sameeyey  runtii macnayaal aad u kala fog oo iska soo hor jeeda. Qodobkaasi waa  Q6 ee warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii London 23 Feb 2012 ,wuxuu u qornaa sida:-

Somali

(6. Shirku waxaa uu aqoonsadey baahida loo qabo in bulshada caalamku ay taageerto wada-hadal kasta ee Somaliland iyo TFG-da ama ciddii beddesha ay ku heshiiyaan in ay yeeshaan si loo caddeeyo xiriirkooda mustaqbalka.)

English:-

6. The Conference recognised the need for the international community to support any dialogue that Somaliland and the TFG or its replacement may agree to establish in order to clarify their future relations.

Sida  Soomaaliya looga fasirtay Q6:

Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan magalada Muqdisho aad ayaan looga dabaal degay ,loogana  soo dhoweeyey Q6 ee go,aanadii ka soo baxay Shirkii London ,waxaana loo macneeyey:-

“ In Somaliland ka noqotay gooni isu taageedii oo ay Soomaaliya markale ku soo biirayso,in ay soo dhowaatay midnimadii Soomaaliya,in ay dhamaatay kala qaybsanaantii Siyaasadeed ee  Soomaaliya iwm.

Sida reer Somaliland  u macnaysteen Q6:-

Guud ahaan reer Somaliland na  aad  ayey ugu dabaal degeen, una soo  dhoweeyeen  Q6 ee warmurtiyeedkii Shirkii London,waxaanay u fahmeen,una fasirteen si aad iyo  uga fog sidii ay Soomaaliya  u fahmeen amse u fasirteen.Reer Somaliland waxay  ku macneeyeen Q6 Shirka ka soo baxay :-

“Waxaa soo dhowaaday  Aqoonsigii Somaliland,hadda ayeynu kala go,aynaa Soomaaliya oo aynu  mudo aad u dheer kala roonaan weynay,Soomaaliya waxay tidhi waanu ogolnahay gooni isu taaga Somaliland”

Dhinaca kale waxaa iyana wareer iyo wax lala yaabo ah, cid kasta oo ka qayb gashay Shirkii London ka dhacay 23 Feb ,sida Somaliland,Soomaaliya,Puntland,Galmudug iyo Ehlu Suna Wajamaaca , waxay midwaliba sheegatay amase ay ku dhawaaqday  in “Shirkii London” ay dhinacooda guul ka soo hooyeen.Waa laga yaabaa in mid walba gooni amase si hoose loogu sheegay,guusha ay sheeganayso .

Haddii aynu dib ugu yara noqono xusuusta Madaxweynayaashi hore ee Somaliland  soo maray,marnaba may qarin jirin in  Soomaaliya iyo Somaliland   ay wada hadli doonaan maruun ,waxay dhamaantood ku celcelin jireen  erayada  ay ka mid yihiin “Somaliland waxay la hadlaysaa Soomaaliya —marka la helo Soomaaliya oo mid ah”,haddaba suaasha jawaabta u baaani waxay tahay  ma Soomaaliya ayaa mid noqotay ?,mise waxaynu ka mid noqonaynaa Gobolada Soomaaliya?.

Hadal iyo dhamaan aniga waxay ila tahay  fasiraada Siyaasadeed ee Q6 ,waxaa garanaya oo keliya cidii  soo saartay oo ah Dowladihii iyo  Ururadii ku Shiray London 23 Feb 2012,balse inteena kale ninba sidii uu jeclaa ayuun buu u macnaystay.

 “Q6  macnayntiisu waa nina sii kuu qor—– nina si kuu qaaday”,

ALLAA  MAHAD LEH

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Political  Analyst

abdi_saleiman@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories