HomeXuutiyiinta oo Khasaarihii ugu Ballaadhnaa ka geystay Gudaha Sucuudiga

Xuutiyiinta oo Khasaarihii ugu Ballaadhnaa ka geystay Gudaha Sucuudiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Riyadh (SLpost)- Diyaarado aan Duuliye lahayn (Drones) oo ay leeyihiin Jabhadda Xuutiyiinta ee Yemen, ayaa weerarray laba Xarumood oo ay maamusho Shirkadda Shidaalka ee Sucuudiga ee Aramco.

Sida uu xaqiijiyey Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Sucuudiga oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga, labada diyaaradood oo Qarax ahaan loo adeegsaday ayaa lala beegsaday Xarunta shirkadda Aramco ku leedahay Bariga dalkaas ee deegaanka Abqaiq oo ah goobta ugu weyn ee Shidaalka lagu sifeeyo.

Waxa kale oo Diyaarad Drone ah lala beegsaday Ceelashada shidaalka ee Khurais oo ay ku yaallo Goobta laga Maamulo Shidaalka Sucuudiga. Weerarradan ayaa sababay in dab xoog lihi ka kaco Goobaha diyaaradaha Drones-ka ah lala beegsaday.

blank

“Saacaddu markay ahayd 4.00 subaxnimo, ayaa Ilaalada Warshadda Shidaalka ee Aramco waxay bilaabeen inay la dagaalamaan Dab ka kacay labada Xarumood ee Abqaiq iyo Khurais oo dab ka kacay,” Sidaas waxa sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Sucuudiga.

Afhayeenku ma sheegin khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Weerarkan, mana sheegin Cidda Masuulka ka ahayd Weerarka, laakiin Xilli dambe oo Sabtida ah ayaa Xuutiyiintu sheegeen in labada diyaaradood ka mid yihiin ilaa 10 Drones ah oo ugu talooyin inay fuliyaan weerarro aan kala joogsi lahayn.

Malleeshiyaadka Xuutiyiinta, ayaa sheegtay masuuliyiinta weerarka lagu fuliyey diyaaradaha Drones-ka ee lagu bartilmaameedsaday goobaha shidaalka lagu farsameeyo ee dalka Sucuudiga, kaas oo dhacay gelinkii hore ee Sabtidii Maanta, sida lagu baahiyey telefishan laga leeyahay dalka Yemen oo lagu magacaabo al-Masirah.

Warka uu baahiyey telefishanka waxa lagu sheegay in kooxda Xuutiyiintu gudaha dalka Sucuudiga ku weerareen 10 Diyaaradood oo Drones ah oo lagu jiheeyey ceelasha shidaalka ee Khurais iyo Wershada shidaalka lagu farsameeyo ee Abqaiq, kuwaas oo labadoodu ku yaalla gobollada Bari ee dalkaas.

Dalka Sucuudiga oo hoggaamiya Isbahaysiga Carbeed ee duqeymaha xagga cirka ka fuliya gudaha dalka Yemen iyagoo bartilmaameedsanaya fadhiisimada ay leeyihiin Xuutiyiinta oo xoog hubaysan xukunka ka tuuray dowladda Yemen, iyagoo gacanta ku dhigay caasimadda dalkaas ee Sanca. 

Xuutiyiinta oo taageero milatari ka helaya dowladda Iiraan, ayaa inta badan weerarro lagu fuliyo Diyaarado Drones ah iyo Gantaalaha riddada dhexe ku bartilmaameedsada goobo ka tirsan gudaha dalka Sucuudiga, kuwaas oo qaarkood sababaan khasaare kala duwan in kasta oo dowladda Sucuudigu sheegto inay ka hortagto isla markaana soo riddo gantaalaha ay Xuutiyiintu ku ridaan iyo diyaaraha Drones-ka.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories