HomeXusuusta Saaxiibkay Marxuum Cawke. W/Q Suxufi Xuseen Cali Nuur

Xusuusta Saaxiibkay Marxuum Cawke. W/Q Suxufi Xuseen Cali Nuur

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Allaah ha u naxariistee  Marxuum Axmed Xasan Cawke, waxa uu ka mid ahaa hal-doorka ka dhex ifaya bahda saxaafadda Soomaalida oo uu ka dhex muuqday ku dhawaad nus qarni. Waxa uu idaacadda Radio Muqdisho ku biiray sannadkii 1972-kii, isagoo mihnadda saxaafadda ku dhex jiray ilaa hadda oo uu ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya 17 November 2015.

Marxuum Axmed Xasan Cawke, waxa uu ku jiray jiilka shamaca u shiday saxaafadda Soomaalida muddada u dhexaysay 1965 ilaa 1975-kii, iyadoo muddadaas tobanka sanno ah loogu yeedho waqtigii dahabiga ahaa ee warbaahinta Soomaalida (The Golden Era in Somali Media.” Waqtigaasoo ay soo baxeen suxufiyiinta ama dufcadda suxufiyiinta ugu caansan Soomaalida dhexdeeda, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar, Axmed Cali Askar, Yoonis Cali Nuur, Cabdi Idiris Ducaale, Maxamuud Cabdi Cali Ducaale, Weli Xaaji Cali, Cali Sheekh Axmed Carraale, Cabdiqaadir Maxamed Kastam, Axmed Cali Samatar, Idiris Xasan Diiriye iyo Cabdiwahaab oo qaybta barnaamijka Luuqadda Ingiriisiga ahaa iyo sidoo kale ruug-caddaayo waqtigaas ku biiray saxaafadda, isla markaana isbeddel dhab ah ku sameeyey warbaahinta Soomaalida.

Allaah ha u naxariistee marxuum Cawke qof wanaagsan, saaxiibtinimo leh, bulshaawi ah oo shacbiyad badan leh. Waxa uu ahaa shaqsi hawlkar ah oo ka duwanaa asxaabtiisa kale, isagoo aan isku koobin inuu ka shaqeeyo qayb qudha oo saxaafadda ah, balse waxa uu ahaa war-akhriye (Newscaster), faallo-gudbiye (Commentator) iyo suxufi, waxaannu ka qaybqaadan jiray dhammanba barnaamijyada idaacadda ka baxa, halka uu sidoo kale aad ugu fiicnaa tabinta barnaamijyada fudud iyo kuwa culus ee khatarta ah iyo sidoo kale barnaamijyada waxbarasho. Waxa kaloo uu ku fiicnaa tabinta tooska ah ee ciyaaraha (Live Sports Programs).

Sumcadda iyo caannimada Axmed Xasan Cawke uu ku dhex yeeshay dhulka Soomaalidu degto oo dhan, waxa ay bilaabmeen waqtigii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee sannadihii 1977 ilaa 1978-kii, waqtigaasoo uu tebin jiray faallooyinka la xidhiidha dagaalka oo si xiiso badan looga dhegaysan jiray guud ahaan degaannada Soomaalidu joogto.

Muddada uu ku jiray mihnadiisa suxufinimo, marna muu lumin jacaylka iyo xiisaha uu u qabay maykarofoonka iyo saxaafaddaba, jacaylkaasoo ahaa mid uu la noolaa ilaa maalintii uu geeriyooday, isagoo ahaa  shaqsi xishood badan, edeb fiican oo aanay habayaraatee wax kibir ah ku jirin, kana muuqan. Waxa uu si fudud oo isku mid ah ula macaamili jiray dadka ku kala duwan qaybaha nolosha oo dhan.
Waxa kaloo  Marxuum Cawke lagu yaqaanay aftahannimo iyo luuqad faseex ah oo uu qanni ku ahaa afka Soomaaliga, waxaannu lahaa karti iyo awood xirfad sare ah oo uu xiiso iyo dhadhan dheguhu macaansadaan ugu yeeli jiray barnaamij  aan wax xiiso ah lahayn oo caasi ah (dull program.) taasoo ahayd hibo iyo xirfad uu gaar u lahaa, kelina ku ahaa saxaafadda Soomaalida, ilaa haddana lagu xasuusan doono.

Allaah ha u naxariistee marxuum Cawke oo ahaa saaxiibkaygii shaqada iyo shaqsiba, waxa uu lahaa shaqsiyad ama qofnimo ka caawisay inuu si fudud ula qabsado xaalad kasta oo uu la kulmo. Waxa uu ahaa qof madadaalo badan oo furfuran, qofkastoo la jooga ama raacaanna aannu wax caajis ah dareemi jirin. Waxa xusid mudan warbixin uu ka diyaariyey safar uu ku wehelinayey madaxweynihii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre oo socod ka bilaabay Kismaanyo iyo xadka Kenya sannadkii 1991-kii, warbixintaasoo uu u isticmaalay  kelmado ka bilaamba xarafka ‘K’, taasoo ay xasuusan karto cid kastoo dhegaysatay markii laga faafiyey laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

Waxa uu muujiyey xirfad ifaysa waqtigii uu ku biiray telefiishankii Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo xilligaas uu maareeye ka ahaa Axmed Cali Askar, halka sidoo kale sumcaddiisu aad sare ugu kacday muddadii uu ka shaqaynayey idaacadda BBC-da, laanteeda Afsoomaaliga.

Markii marxuum Axmed Xasan Cawke iyo saaxiibkiisa ay isugu dhawaayeen ee Cabdisalaan Hereri ka tegeen BBC-da, una wareegeen Laanta Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, waxa dhacday in dad badan oo dhegaystayaal ah aanay aad ugu farxin arrintaas, sababtoo ah, waxay rumaysnaayeen in Laanta Afsoomaaliga e VOA-du tahay mid ku-meel-gaadh ah, iyadoo dad dhegaystayaasha ka mid ah aaminsanaayeen inay tahay mid siyaasad ahaan loo furay, balse aannu Maraykanku damacsanayn inuu furo laan Afsoomaali ah oo ka tirsan VOA-da, sida aanay Boqortooyada Ingiriisku u damacsanayn, niyaddana ugu hayn inay furto laan u gaar ah Af-xabashiga oo BBC-da ah.

Waqtigii ay soo baxeen telefishannada Soomaaliga ah, marxuum Cawke iyo saaxkiibkii Cabdisalaan Hereri, waxay ka hawlgaleen, lana shaqeeyeen ugu badnaan telefiishannada waqtigan ugu muhiimsan, uguna waaweyn ee Soomaalida, iyagoo si wada jira ah u samayn jiray barnaamijyo raad ku reebay, xasuustoodana kaga tegay daawadayaasha.

Sida muuqata, marxuum Cawke, waxa uu mar labaad ku sii shaaxbaxay telefiishannada, taasoo sababtay in shaqsiyadiisa saxaafaddu yeelato muuqaal kale oo cajiib ah, siina xoojiyey caannimada iyo shacbiyadiisa ballaadhan, waxaannu noqday tusaale lagu daydo u noqday suxufiyiinta da’yarta ah ee ka hawlgala warbaahinta casriga ah ee waqtigan (electronic media.)

Waxa aan saaxiibkay Ilaahay uga baryayaa inuu u naxariisto, dambigiisana dhaafo oo geeyo Jannatul-Fardawsa…aamiin…aamiin.

 Suxufi Xuseen Cali Nuur

Hargeysa/Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories