HomeXUSUUS: Gaarriye & Maalmihii Jaamacadda Hargeysa. W/Q: Saddam Carab

XUSUUS: Gaarriye & Maalmihii Jaamacadda Hargeysa. W/Q: Saddam Carab

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
SADDAM CARAB

Maantana waa maalin kale oo madow. Mararka qaarkood waxaad garan waayaysaa halka aad ka bilaabayso iyo waxa aad ku bilaabayso qoraalada qaarkood. Qalbiga iska daaye qalinkaaba u ilmeynaya oo ay ku adag tahay inuu wax uun ku dhigo warqadda. Hakad badan iyo su’aalo sida hawaa’iga kuugu soo hormaya kadibna waxaad bilaabaysaa inaad wax uun ugu yaraan ka qorto.

Waxa adkaatay dhinac aan ka milicsado sooyaalkii nololeed iyo sadarada taariikhdiisii suubanayd.  Haddana waxa ka sii adkaatay mansab aan ugu yeedho si aan u bilaabo qoraalka ay la naxdin gariirayso gacanta aan qalinka ku hayaa. Ma abwaan, ma saynisyahan, ma mujaahid, mise macallin baan ugu yeedhaa. Sabab aan u kala reebaa ma jirto oo intaba wuu ahaa. Mid walba gaarkiisa in loo xasuustaana way mudan tahay. Waxa se xusuus gooniya xiskayga ku reebay  dharaarihii uu baraha iigu ahaa afka Soomaaliga. Waxay ahaayeen maalmo maamuuskooda le, milicsi kan ka badanna u baahan.

Madal iyo munaasibado badan oo ka horeeyay waan ku arkay kuna maqlay. Laakiin tani waxay ahayd maalintii iigu horaysay ee uu macallinnimo ii soo hor istaago. Waa bishii Octoobar sannadii 2009 kii, goobtuna waa Jaamacadda Hargeisa. Albaabka waqooyi ee jaamacadda marka aad ka soo gasho fasalka aanu casharka ku leenahay wuxuu ka mid yahay kuwa ugu baalleeya xagga galbeed. Laga bilaabo kadinka iyo ilaa inta aad sii dhex jaqaafinayso dhismaha waxay qaadan jirtay waqti. Maanta se goor aniga iyo asxaabtii aanu wada soconay  soo gaadhnay  garan mayno. Farxadda ay noo ahayd in Gaarriye maanta wixii ka dambeeya Bareyaasha noogu biiri doono awgeed iyo haasaawaha aanu ku xanshashaqayn ee la xidhiidhay xiisaha aanu u qabnay ayaa maalintaa na ilawsiiyay masaafadii aanu socon jirnay. Oo durba waanagan soo gaadhnay fasalkii.

Ardayda goobta fadhidaa waa afar laab intii aanu isku fasalka ahayn, waa wada wajiyo cusub. Waxaana wajigooda ka muuqday xiisaha ay u hayeen la kulanka macallin Gaarriye. Waxaaba caado u ahayd ardayda in fasalka uu joogo maalintaa la buux dhaafiyo.  Habeennona markii ardayda uu qaadi waayay fasalkii waa kuwii dibada uga soo baxay iyaga oo salka saaray dhulka Macallinkuna banaankaa hortooda uu taagnaa.  Jacaylka loo qabo qofka oo caadifadi ka madhantahay miyaanu caddayn u ahayn qiimaha uu leeyahay qofku?

Maamulka iyo Barayaasha wax kadhiga jaamacadda ayaaba la fadhiisigiisa u qabay xiiso iyo xamaasad ka badan kan ardayda.  Kobta lagu shaaheeyo ee ku dhex taallay jaamacadda Hargaysa, geesta uu ka fadhiyo Gaarriye waad garan lahayd xataa hadday maanta kuugu horayso soo galida jaamacaddu. Waxaana sida dayax afar iyo tobnaada kuugu cadaynaya sida loogu xoonsan yahay kobta uu ku shaahaynayey. Sheeko xiiso badan oo aanad mar kaliya ka xiiso goynayn. Murti iyo mahadhooyin kale oo aad moodo in ceel gundheer oon is tabayn laga soo dhurayo ayuu intaa tabinayaa.

Kalgacalka loo qabay loona qabi doonaa wuxuu ahaa mid laga midaysan yahay. waxaanu caddayn u ahaa qofnimadiisa saraysa iyo tusaale nimada uu ku ahaa dabci wanaagga tolmoon. Wanaag kasta oo uu lahaana waa wax lagu xusi doono. Waana lagu xasuusan doonaa.

Aynu ku noqono maalintaa, haddii aanu wada fadhino fasalkii waxaanu dhawraynay inuu nasoo gaadho. Waaba kan wuu soo galay isaga oo caagad biyo ah iyo furayaal gacanta ku sita, deg-degna ka muuqdo. Sidii uu u soo socday yimi fagaaraha fasalka intuu soo dhex socdayna mar kaliya isaga oo aan aamusin wuxuu la hadlayey ciddii ku dhawayd “Waar noo baneeya dee wadada” farxadda maqalka hadalkiisu wuxuu markiiba bedalay deeganaanshiiyihii fasalka. Ardaydii waaba wada farxaan miidhan.

Inta uu wado casharka maskaxdaadu mar kaliya wax aan isaga ahayn kumay mashquulayn, maankaaguna wuxuu mar walba isku taxaluujinayaa weelaynta tusaalayaasha iyo taariikhda uu tabinayey Macallinku. Tixaha uu tusaalaha u soo qaadanayo kuma buu soo dari jirin kuwa uu isagu tiriyay ama leeyahay oo uu hal abuuray! Sababtana si dhib yar oo dhumuc weyn buu noogu yidhi “Dadnimada inaad barataan baan doonayaa, Hadraawi iyo abwaanadda kale ee aan gabayadooda tusaalaha ugu soo qaato maaha macneheedu in aanay kuwayga ku jirin ee  iska ilaaliya inaad anigada gurtaan, walaalkaana iska horaysii sidaasay dadnimadu ku jirtaaye”.

 Dhaqaaq joogigiisa iyo xarakada firfircoon ee ka muuqatay waxay fududaynaysay fahamka waxa uu sharaxayo. Intaana wuxuu wadaa oo uu tabinayaa qisooyin qiiro iyo qamuunyoba leh. Dhacdooyin farxad iyo fikir ba kugu beeraya, taariikh mahadho iyo muusanaw ba kaaga tagaya. Wacyiga qabyaalad diidka iyo waanada qaranimo jacaylku waxay dhextaal u ahayd casharada iyo culuumta uu na baray.

Qushuuc iyo mabsuud )iyada oo lagu wada jiro mise waaba gaba gabadii casharka “Alla yaraayaa” ma laba saacadood baa yaraa.? Haa oo waxaad jeceshay waqtigiisu inuu kooban yahay bay kuula muuqataa. judha uu casharka dhammeeyo fasalkana dibada looga soo baxo, waxaaba loo daba yaacay sidii ubad uu aabahood nacnac u qaybinayey. Isna maba dhibsanayo intaas oo qof wuu la qoslayaa. Mid walba gaarkiisuu ugu war celinayaa. Qof walibana isaga oo faraxsan buu ka soo noqonayaa.

Munaasibada lagu qabto bar kulanka jaamacadda ee uu Gaarriye joogo iyo kuwa uu ka maqnaa way kala astaysnaayeen! Isumay dhawayn oo kala dhumuc badnaa.

Geeriddu waa xaq, waana xukun Alle oo aanay ciddina gafayn. Tani se waxay liciifisay qalbiga. Warka dhiilada ahaa ee sheegayey geerida abwaan Gaarriye wuxuu ka gaddisanaa kuwa la mid ka ah inta uu doono. Inkasta oo aad ku marganaysay maqalka hore haddana gadaal baad ka odhanaysay “Naf waliga geerida way sugaysaa maantana tiisii bay ahayd”. Alle cawad khayr qaba ha inoogu soo beddelo.

Mahadhooyinka uu bulshada uga tagay waxay ku suntanaan doonaan diiwaanka maskaxeed ee bulshada, waxaanu noqon doonaa halyeyada iyo haldoorka ay taariikhdu sida joogta ah u xusi doonto. Haa maanta wuu dhintay, wuu se nool yahay. Mana dhimman ilaa inta dhaxalkiisu inna ag yaal.

Ilaahay qabriga ha u nuuro, qoyskii, qarankii iyo bulsha weynta soomaaliyeed guud ahaan samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Saddam Carab

Hargeisa Somaliland

02/10/2012

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories