HomeXuska Sannad-guuradii 13 ee Aabihii Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland, Maxamuud Cabdi...

Xuska Sannad-guuradii 13 ee Aabihii Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland, Maxamuud Cabdi Shide, oo lagu qabtay Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Munaasibad balaadhan oo lagu maamusayey sanad-guuradii 13-aad ee ka soo wareegtay geeridii Marxuum Maxamuud Cabdi Shide (Tuur) oo ka mid ahaa aasaasayaasha saxaafadda madaxa-banaan Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda Hargeysa.

blank
Marxuum Maxamed Cabdi Shide

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Shide (Tuur) oo ka mid ahaa aasaasayaashii saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland isla-markaana qayb-libaax ka qaatay sidii loo heli lahaa saxaafad xor ah oo umadda baahiyadeeda gudbisa, dedaalkaana ku mutay xadhig iyo tacadiyo door ah ayaa geeriyooday 9.November 1998-kii.
Marxuum Maxamuud Cabdi Shide (Tuur) ayaa wakhtigii uu geeriyooday waxa uu madax ka ahaa wargeyska faca weyn ee Jamhuuriya oo ka soo baxa Magaaladda Hargeysa, ahna wargeyska ay ka soo far-cameen inta badan jariiradaha madaxa-banaan ee hadda Somaliland ka shaqeeya.
Munaasibada xuska ah ee loo sameeyay 13-guurada ka soo wareegtay geerida Marxuumka oo ka sakow doorkii uu ku lahaa saxaafadda xorta ah ka mid ahaa ururkii dib-u-xoreynta Somaliland ee SNM ayaa munaasibadiisa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin tiro badan, kuwaas oo isugu jiray xildhibaano, hogaamiyayasha ururada siyaasada ee cusub qaarkood, aqoonyahan, masuuliyiinta hay’adaha warbaahinta dalka, masuuliyiin ka socday ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo waliba saxafiyiin kale, kuwaas oo madasha u joogay inay weyneeyaan xuska Marxuum Maxamuud Cabdi Shide (Tuur).
Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ka mid ah Akadamiyadda nabada iyo horumarka Somaliland, isla-markaana ah qoraa oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Marxuum Maxamuud Cabdi Shide (Tuur) uu u halgamay sidii loo heli lahaa saxaafad xor ah, taana uu ku mutaystay xadhig iyo tacadiyo bani-aadaminimada ka baxsan, isaga oo xusay inaan Marxuumka la ilaawi doonin.
Boobe waxa uu tilmaamay inuu ururiyey qayb ka mid ah taariikh nololeedka Marxuumka, taasi oo ay ka qayb ka tahay doorkii uu ku lahaa halgankii lagu xoreeyay Somaliland “Waxa aynu isku abaal-marinaynaa in dalkani (Somaliland) helo cid mar walba helo cid daafacda oo heegan u ahaata, oo ay carruurtu ku dayato” ayuu yidhi Mujaahid Boobe, waxaanu intaa ku daray “Markaa haddii aynaan maanta bilado isa siinayn ama aynaan xuquuq isu qoreyn, waxa kaliya ee dadkii dadkaasi ka baxeen lagu dejinayaa oo naxdinta lagaga biinayaa waa in dadku maq-maqlaan magacyadooda soo noqnoqonaya.”
Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr Xasan Maxamed Yuusuf oo isna munaasibada baroor-diiqda ah ka hadlay ayaa tilmaamay inay wax badan ka xasuustaan doorkii uu ku lahaa marxuumku saxaafadda Somaliland, kuna faraxsan yihiin in mar walba loo sameeyo xus noocan oo kale ah.
Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu xusay in Marxuum Tuur uu ahaa shakhsi ku suntan maskaxda saxafiyiinta Somaliland oo aan marnaba la ilaawi doonin kaalintii uu ka ciyaaray madax-banaanida warbaahinta.
Sidoo kale, guddoomiyaha ururka SOLJA waxa uu sheegay inay garteen in maalinta saxaafadda Somaliland loogu magac daro Marxuum Maxamuud Cabdi Shide (Tuur) “ Anaga oo garanayna Marxuumka doorkiisii, waxaanu iswaydiinay sidii umadda iyo jiilka soo koraya loogu gudbin karaa ka uu ahaa Marxuum Maxamuud Cabdi Shide (Tuur), markaa maalinta saxaafadda Somaliland waxaanu ugu magac daray inay noqoto maalinta Maxamuud Cabdi Shide (Tuur)” ayuu yidhi Guddoomiyaha Solja Mr Xasan Maxamed Yuusuf.
Xuskan baroor-diiqda ah ee loo sameeyay Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo wakhtigii uu geeriyooday laga joogo muddo 13 sanadood ah ayaa waxa kale oo xuskaasi kalmado muhiim ah ka soo jeediyay Guddoomiyaha urur siyaasadeedka DALSAN Ismaaciil Aaden Cismaan (Ismaaciil Yare), Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Iyo ganacsade Maxamed Baarjeex, dhammaantoodna waxay ku dheeraadeen taariikhda iyo doorkii Marxuumka ee saxaafada madaxa-banaan iyo xoreynta Jamhuuriyadda Somaliland uu ku lahaa.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories