HomeXuska Sannad-guurada Aasaaskii SNM oo Hargeysa lagu qabtay iyo khudbadihii laga jeediyey

Xuska Sannad-guurada Aasaaskii SNM oo Hargeysa lagu qabtay iyo khudbadihii laga jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 07 April, 2012 (SLpost)- Munaasabad Lagu Xusayey sanad guurada 31-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururkii SNM oo ku beegnayd 6 bisha April ay Maanta lagu qabtay Xarunta hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland ee Magaalada  Hargaysa.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yahiin wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta JSL Mudane Boobe Yuusuf Ducaale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Mudane Faysal Cali Sheekh, Agaasimaha Xafiiska Samafalka madaxtooyada, Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, Madaxa xafiiska Xidhiidhka dadweynaha ee madaxtooyada Cismaan Awr-Liqe iyo Mujaahidiin ka tirsan Jimciyadda Sooyaal.

Ugu horayn Gudoomiyaha Jamciyadda Sooyaal Xasan Cabdi Muxumed oo kulankaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey xuska  maalintaasi, waxana uu sheegay in Lixda April ay ku beegantay maalintii shalay oo Jimce ahayd  sidaa darteedna munaasabadda xuskeeda dib loogu soo riixay maanta oo Sabti ah.

Gudoomiyahu waxuu sheegay in dal waliba ama umad waliba ay xaq u leedahay inay xusto taariikhdeeda, isagoo iftiimiyay in nabadgalyada, Dhismaha dawladnimo iyo hanaanka dimuquraadi ee aynu hoos hadhsanayno ay yihiin midhihii ka dhashay halgankii Hubaysnaa ee Ururkii Xaq u dirirka SNM horseedka ay ka ahaayeen isagoo intaas ku daray in baahi weyn loo qabo sidii aynu qaran ahaan u daryeeli lahayn Naafadii iyo Agoontii SNM, taas oo lagu muunaynayo ayuu yidhi halgankaas ay nafo badan iyo hanti aan qiyaas lahaynba aynu ku weynay.

Agaasimaha xafiiska samafalka ee Madaxtooyada Marwo aamina maxamuud Diiriye oo halkaasi hadal ka jeedisay ayaa uga mahadcelisay ka soo qayb galayaasha Xuska Maalintan gaar ahaan aasaaskii Xarakadii SNM, waxaa kale oo ay u mahadcelisay kaalinta ay haweenku ka qaateen halgankii SNM.

Marwo Aamina Maxamud Diiriye waxay ku boorisay Mujaahidiinta SNM in si kastoo cabasho u jirto, hadana la odhan karo sida ay sheegtay inaynu maanta ugu rajo fiicanahay waxaanay cadaysay in ay tahay arrin muhiimadeeda leh in gudoomiyihii  ugu waqtiga dheeraa ee Ururkii SNM uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland .

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo Wacyigelinta JSL Mudane Boobe Yuusuf Ducaale, oo isna munaasabadaai hadal dheer ka jeediyey ayaa tibaaxay in SNM ay ahayd jabhad balaadhan oo ay dhamaan ku wada jireen Bulshadu, isla markaana leh hadaf cad oo  ay tiigsanaysay ,waxaanu meesha ka saaray inaanay jirin cid keli ahaan u sheegan karta ururkan laakiinse uu ahaa ayuu yidhi mid ka dhexeeya dhamaan mujtamaca Somaliland wada dega.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale “Boobe”  waxa uu sheegay in maanta ay tahay maalin xusuus badan ,maadaana la xusayo ayuu yidhi Kow iyo Sodon Guuradii ka soo Wareegtay markii magaalada London ee cariga Ingiriiska lagaga dhawaaqay ururka SNM taas oo ku astaysnayd 6 bishii april 1981kii isla markaana mudo yar kadib fadhiisimo ciidan ku yeeshay Xuduuda ay wadaagaan labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland  waxaanu intaas raaciyay in baahi loo qabo sidii si dhamaystiran loo qori lahaa Taariikhda Ururkii Xoreeyay Somaliland .

Wasiirka Warfaafintu waxaa kale oo uu xusay Arinta maanta ina hor taallaa ay  tahay ayuu in daraasad balaadhan laga sameeyo baahiyaha aasaasiga ah ee ay mujaahidiintu qabaan, iyaguna ay toshaan halkii ay wax ku shuban lahaayeen, isagoo cadeeyay in xukuumadda uu ka tirsan yahay  ay ballanqaadayso inay la socoto xaalada mujaahidiinta dalkan xorayntiisa u soo dagaalamay.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories