HomeXuska 31-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM (17/10/1984kii – 17/10/2015ka). Qormada 5aad

Xuska 31-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM (17/10/1984kii – 17/10/2015ka). Qormada 5aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,

Gebgebteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,

Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,

Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,

Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,

Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

 

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada: 5aad

13/10/2015ka, Hargeysa,

 

 

SOMALI NATIONAL MOVEMENT

Flimsy File                                                                                      Dire Dawa

                                                                                                                Oct. 25/1984

Guddoomiyaha SNM

Dire Dawa

Uj: warbixin dagaal

17kii Oct. 1984 saacaddu markay ahayd 2.45 galabnimo, Guutada Sayid Cali oo deggenayd Kaam xabashi, waxa soo weeraray cadaw watay 24 gaadhi oo kala ah:

10 gawaadhida gaashaaman ah, 4 jiib, 2 Zuu, 2 Shilke, 2 Toyota oo ay saarnaayeen qoryaha ‘Brown’ iyo ‘Gerinove’ iyo 4 baabuur oo waaweyn oo ‘Ife’ ahaa.

Ciidanka cadawguna wuxu ka koobnaa 500 oo askari oo aad u hubeysnaa.

Ciidankeennu wuu ka digniin helay cadawga oo wuxu ugu diyaar-garoobay meel keymo xidhan leh. Ciidankeennu wuxu gaashaanka u qabtay oo uu dib u celiyay Raacii 1aad iyo Raacii 2aad ee cadawga oo uu ka dhigay wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax baxsaday, gaadiid bandanna waa laga gubay.

Waxa weli inoo socota warbixintii Ibraahin Kood-buur ka qoray dagaalkaa ka dhacay Kaam-Xabashi, waana tan warqaddii oo halkeedii ka sii socotaa:

4.30kii galabnimo waxa ciidankeenna soo weeraray Raacii 3aad ee cadawga, waxaana la dagaallamayay ilaa 9.00 saacadood ee fiidnimo, markaas oo la is-arki waayay oo la kala hulleelay. Khasaarihii cadawgu wuxu noqday:

  • 108 askari oo geeriyooday iyo in badan oo dhaawacantay,
  • 9 gaadhi oo gaashaanna oo la gubay,
  • 2 gaadhi oo gaashaannaa oo lagala hadhay, ama furtayba,
  • 1 jiib, 1 Shilke iyo 1 Toyota oo qori saarnaa oo la gubay,
  • Hub iyo rasaas badan oo kale oo laga furtay,

 

Khasaarihii Ciidankii SNM gaadhay:

  • Magacyada Mujaahidiintii shahiidday oo warbixintaa ku qornaa,
  • 30 Mujaahid oo dhaawacmay oo badankkodu fududaayeen,
  • Hubka la waayay:

BKM: 1, RBD: 4, RBJ/7: 1m AK: 18 isugeynna noqday 24 qori.

Haddii aynu warbixintii Ibraahin Kood-buur intaa kaga baxno, si aynu xaqiiqadii maalintaa u sugno suabaxnimadii Khamiiseed ee 18/10/1984kii Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye Lixle waxa lala aasay oo iilka loo kala weeciyay Mujaahid Mubaarak Axmed oo ‘Hadhuudho’ lagu naanaysi jiray siday ii sheegeen Cabdi-Laangadhe iyo Cabdi-Shanaad oo isagu ka mid ahaa dadkii dagaalkaa ku naafoobay.

Waxa kale oo xusuus gaar ah mudan dhowr Mujaahid oo intooda badan dhaawac lagu qabtay oo Hargeysa la geeyay oo kala ahaa:

  1. Ismaaciil Maxamed Guuleed (Iraad): Hargeysa lagu toogtay,
  2. Aadan Cabdi Cumar (Buuri): Hargeysa lagu toogtay,
  3. Xoor-xoor: Hargeysa lagu toogtay,
  4. Saleebaan Madoobe: Isaga oo dhaawac ah ayuu gaadhigii siday ku dhintay oo ay ka tureen, dadkii ayaa dhexda ku aasay,
  5. Baashe Faarax: oo laga sii daayay isaga oo fayow maa daamaa uu yaraa,

Mujaahid Af-yare la yidhaahdo oo dhimashada lagu tirinayay mar danbe ayaa isaga oo nool saldhiggii Durya laga helay, immikana madaxa ayuu ka jirran yahay oo Hargeysa ayuu joogaa.

Sow tii Aadan Tarabbi lahaa mar uu Faqashtii la hadlayay:

“Ama midho Berdoo,

Bisil baanu noqon,

Ama qodax bir-lab ah,

Oo Booca kaa muddiyo,

Bixisaanu noqon,”

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories