HomeXulka Gobolka Maroodi Jeex Oo Beeniyey Warar Laga Baahiyey

Xulka Gobolka Maroodi Jeex Oo Beeniyey Warar Laga Baahiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

xulka maroodijeexHargeysa (SLpost)- Labada gool dhaliye ee xulka gobolka Maroodi Jeex, Maxamud-Govinda iyo Cabdi-Riyaad ayaa beeniyey war ay qoreen warbaahinta qaarkeed, kaas oo lagu sheegay in khilaaf labadaa ciyaartoy u dhexeeyaa uu khalkhal geliyey ciyaartooyada gobolka Maroodi Jeex.

Weeraryahannada gobolka Maroodi Jeex, Maxamuud Cabdi Xasan (Govinda) iyo Cabdiriyaad oo shalay u warramay Wariye Cabdiwahaab Axmed Cabeeye, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar suuqa la soo geliyey oo sheegayay in khilaaf soo kala dhex galay ciyaaryahannada gobolka Maroodi Jeex, waxaanay labadan ciyaartoy sheegeen in warkaas ay baahiyeen kuwo doonaya in ay sumcadda ka dilaan, isla markaana ay niyad jabiyeen shacabka reer Hargeysa ee ay magacooda ku ciyaarayaan. “Waxaas dadka ayuun baanu ka maqalay, meelaha qaarna waaba lagu qorey, laakiin waxba kama jiraan oo immikaba labadayada oo kaliya ayaa wada fadhina oo ciyaarta ayaanu wada daawanaynaa” Sidaa waxa yidhi Maxamuud-Govinda oo la weydiiyey wax aka jira khilaafka la sheegay in uu u dhexeeyo ciyaartooyada.

Mr. Maxamuud, waxa kale oo uu sheegay in ciyaartoyga ay isugu dhow yihiin ciyaaryahannada gobolkiisu uu yahay Cabdiriyaad, isla markaana aanay suurtogal ahayn in waxaa la sheegayaa ay dhex maraan. “Hadda qol ayaanu wada degannahay oo dadkaba waanu isaga dhow nahay. Cidda waxaa waddana waa cid doonaysa in ay sumcaddayada ku ciyaarto” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, ciyaaryahanka Cabdiriyaad ayaa isna sheegay in waxaas uu ka maqlay suuqa, laakiin ay labaab ku noqotay in dadka lagu dhex tuuro warar noocaas ah. “Waar waaban yaabay markii aan waxaas maqlay. Haddii qof kale uun la odhan lahaa way is khilaafeen ma ciil baan qabi lahaa. Maxamuud waa saaxiibkayga koowaad, marnaba lagama yaabo in ay taasi dhacdo”. Ayuu yidhi.

Cabdiriyaad waxa uu xusay in kalsooni badan iyo niyad samaani ay ka dhaxayso ciyaartooyada gobolka Maroodi Jeex, isla markaana ay nadiif ka yihiin xafiiltan iyo xurguf dhexdooda ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories