HomeXulka Gobolka Awdal oo dhulka Jiid-jiiday Xulka Saaxil kuna diray 2-0

Xulka Gobolka Awdal oo dhulka Jiid-jiiday Xulka Saaxil kuna diray 2-0

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (Slpost)- Ciyaar aadu xamaasad badan oo sababtay inuu muddo hakad ku yimaaddo hannaan-socodkii ciyaarta isla markaana ka duwan kulamadii hore ee tartanka ciyaarta ayaa maanta dhex martay gobollada Awdal iyo Saaxil.

Ciyaartan oo kulankii labaad u ahayd koox walba ayay isku wajaheen labada xul ee gobolladan, waxaana aad u kala fogaa natiijadii ay ku dhammaatay iyo saamayn ka dhalatay go’aan uu garsooruhu gaadhay bilowgii ciyaarta.

Xiisaha ciyaartan ayaa bilaabmay ka dib markii kaadhka cas la siiyey kabtanka xulka gobolka Awdal taasina ay sababtay in ciyaartoyga xulkani ka dareeraan garoonka iyaga oo ka cabanaya in kaadhka cas ee garsooruhu biyey ahaa mid khalad ah.

Ka dib waan-waan iyo qancin uu hormood ka ahaa wasiirka Ciyaaruhu, ciyaartoyga gobolka Awdal waxa ay ogolaadeen inay ciyaarta sii wataan, waxaana dib u bilaaban tahay ciyaartii.

Xulka gobolka Awdal oo toban ciyaartoy  ku dheelaya ayey u suurtogashay in gobolkan Galbeedka Somaliland uu keensado goolkii ugu horreeyey, taasina waxay sababtay inay ciyaartu sii kululaato.

Muddo yar markii ay ka soo wareegtay wakhtigii goolkaas hore, xulka gobolka Awdal waxa u suurto-gashay inay keensadaan goolkii labaad.

Mid ka mid ah ciyaartoyga gobolka Saaxil oo ku khalad ku galay ciyaartoy dhiggooda ah ayaa mutaystay in Garsoorihii ciyaartu uu Kaadhka cas siiyo, tanina waxa ay sababtay in xaaladdii ciyaartu ku soo noqoto marxaladdii bilowga, iyada oo ciyaartoyga gobolka Saaxil ka xanaaqay kaadhka cas ee la siiyey ciyaartoygooda, waxaanay diideen inay ciyaartu sii socoto.

Balse wakhti yar ka dib markii waanwaan laga galay, waxay ogolaadeen inay ciyaarta sii wataan, waxaanay garoonka soo galeen iyada oo ay labada kooxoodba ku ciyaarayaan toban ciyaartoy.

In kasta oo gobolka Saaxil isku dayey inay natiijada wax ka beddelaan, haddana umay suurtogalin,waxaanay ciyaartu ku dhammaatay 2-0 ay guushu ku raacday gobolka  Awdal.

Somalilandpost.net

sports@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories