HomeXulidda Xubinta Komishanka ee Xisbiga Waddani Oo Laf Dhuun-gashay Ku Noqotay Gudoomiye...

Xulidda Xubinta Komishanka ee Xisbiga Waddani Oo Laf Dhuun-gashay Ku Noqotay Gudoomiye Cirro+ Xaalada Siyaasadeed oo ay Ku Kicisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Maalmihii ugu danbeeyey waxa laga war-sugaayey xubinta Xisbiga Waddani usoo xulan-doono Komishanka cusub ee doorashooyinka oo dhamaan xubnihii kale la-soo xulay, balse sida xoguhu tibaaxeen u xanibnaa xubinta Xisbiga Waddani oo ilaa hada aanu xisbigu gudbin.

Xulida xubintan Komishanka ee xisbiga Waddani ayaa sida xoguhu tibaaxeen waxa ay laf-dhuungashay ku noqotay Gudoomiye Cirro oo sida xoguhu tibaaxeen balanqaadyo kala duwan u sameeyey laba kamida beelaha miisaanka culus ee deegaanada Sanaag iyo Maroodi-jeex kuwaas oo kamid ahaa beelihii sida muga leh taageerada iyo codkaba ugu huray xisbiga doorashooyinkii kala danbeeyey ee xisbigu soo maray.

Labadan beelood ee uu kala doorashadooda culayska badani kasoo waajahay Gudoomiye ciro oo kala ah Beesha Bariga Hargeysa ee Isaxaaq Carre iyo Beel kamida Deegaanka Ceerigaabo oo ah Muuse Ismaaciil, labadan beelood oo sidaan xusnay kamida rukunadii miisaanka codbixinta ee Xisbiga Waddani ayaa sida xoguhu tibaaxayaan kala doorashadoodu ku adkaatay Gudoomiye Cirro, taasi oo sababtay in gudbinta iyo xulida xubintani ilaa hada xisbigu ku dhiiran waayo maadama oo xisbigu culays iyo xaalad siyaasadeed oo kulul kala kulmaayo beesha uu ka tago xubinta ay usoo gudbisay.

Labadan beelood ee Gudoomiye Cirro culaysintooda la dhakafaaray ayaa miisaan iyo saamayn aada ku kala leh deegaanada Gobolka Maroodi-jeex iyo Gobolka Sanaag, oo beelkastaaba kaalin mugle oo la taaban karo kaga jirto, balse waxa laga war-sugayaa mida uu Gudoomiye Cirro ku dhiirado inuu meesha kasaaro isla markaasina uu ka badheedho inay ka hayaamaan Xisbiga Waddani ee ay mudada dheer hiil iyo hooba lasoo garab taagnaayeen.

Dhinaca kale xogo aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in Gudoomiye Cirro saacadihii u danbeeyey qaatay xubintii kasoo-jeeday degmada Ceerigaabo isla markaasina meesha kasaaray dalabkii beesha Bariga Hargeysa, Arintan ayaa u muuqata inay ku kicindoonto Gudoomiye Ciro xamaasad iyo xaalad siyaasadeed oo kaaga timaadan beeshan Bariga Hargeysa oo doorashooyinkii kala danbeeyey ee dalka ka dhacay 100% codkooda iyo taaageeradoodaba dal iyo dibad la garab istaagay Gudoomiye Cirro isla markaasina ka filanaayey inay yihiin mudanta Abaalka uu u hayo Gudoomiye Cirro , iyadoo sidoo kalena beesha kula loolamaysay booskan xubinimada Komishanku ay hayb ahaan uga dhaw yihiin Gudoomiye Cirro oo ay isku ardaa yihiin.

Isku-soo wada duuboo xaalada ka taagan arintan ayaa u muuqata mid si weyn wax uga bedeli-doonta saamaynta siyaasadeed ee Xisbiga Waddani kulahaa dalka gaar ahaan caasimada Hargeysa iyo Gobolka Maroodi-jeex.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories