HomeXulashadeeday Eedday!!!

Xulashadeeday Eedday!!!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Gu’  iyo jiilaal waa u laba mataano ah, hugurka iyo sawraca way wadaagaan soomal haadna waagii guduuta iyo cedceedii soo bidhiiqdaba waa ina daanwayne. Boodhka iyo habaaska kulka kaliishii mayay iyo maahiigaan ma maydhaan haraadna kama biiyaan . xaasha ha sheegin inay ku oon baxdo, milge ma seegana oo qaadirkii alkuuma hagar la’aan ku manaystay, hadana dhab markaad u dhugatid way aradan tahay, goblin maaha oo duul lab iyo dhadigba leh ayaa ku unkamay. Ma gudhin waa irmaan gooshkii yimaadaba dhasha, hayeeshaa hagrashaa gondaheeda iyo dudadeeda yoomkii yimaada ku dooyaysan. Se galiilyadan waxa baday maaha duul dagal cadaawe uga guluf yimid, waa se hebeladay dihatay habeeno  iyo habeenno foosha ugu umal aroori gaadhay.

Waa curad lix u wayn, ixtiraamka ay u hayaana malayn maysid, ma hagradaan mana deelqaafaan. Maal iyo mood kay hayaan iyaday la soo doontaan. Way u soo baratamaan oo wanaaga iyo milgaha mid kastaaba ka kale ka badso mooyee maankiisu xumaan uma jirabo, way marti galisaa mana dhibsato dhaxtinta kuwa kale , gob ayay u tahay lagu majiirto il-baxnimo iyo bisayl ruux u gu’ wayn, hagar la’aan baanay u gudatay waajibkii guud keeda saarnaa.

Baaxada martida dan-wanaageeda ugu soo hiratay, waxay caadka ka qaaday qabyada aan qorshe looga baxaa lahayn ee oogadeeda ka muuqata. Qof iyo meel kale toona sheegi maynee , cida mudatay ba’aa iyo bayhoofkan is diidooyinka miidhani waa rubuc qarnigii u danbeeyay ahaa xarunta looga arimiyo qarankeena. Waa Hargaysa oo qof kastoo ka isiran dunjiga soomaaliyeed uu si mug iyo baaxad leh u yaqaan kaskeeda iyo karaankeeda. Waa hooyadii dihatay calinkii xoriyadda waa goobtii laga unkay halagankii gobaynta soomaaliyeed. Waa kubtii lagu abyay barashada aqoonta casriga ah, waa halkii laga siraaday shamacyadii la ifayay fanka iyo farshaxanka suugaanta soomaaliyeed.

Ila fahanteena, hargaysa maxaa hungadda baday, soo mahaa hebeladda ay  si iskeeda kal kasta ugu xulato inay hogaanka u qabtaan, oo tiica iyo tabaalo baday halkii laga sugayay in ku hagaan hilinka horumarka iyo doogsiga.

Soo inoo ma qumana? Inaynu qaab ka xeel iyo qoto dheer kan hungada in baday u marno cugashada kuwa aynu u xidhayno duubka daadihinta danaheena guud, kol haday inoo cadaatay inaynu eednay xulashadeenii hore.

 

mustafe iid :gadhkayogolka@gmail.com

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories