HomeXulashada magaca amma naanaysta:

Xulashada magaca amma naanaysta:

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qarniyadii 20-aad iyo 21-aad, waxa ay ahaayeen laba qarni oo ay aad u hanaqaaday suugaanta Soomaaliyeed. Mar kasta oo uu shay hirgalo ama taabbaqaadana waxa laf-dhabar u ah cid dhaqaajisa oo gaadhsiisa halka loo baahan yahay. Haddaba abwaannada xilliyadaas noolaa ee suugaanta heerka gaadhsiiyay, dhammaantood waxa ay lahaayeen magacyo ka madax bannaan sifo suugaanyahannimo. Tusaale ahaan: Cali-Dhuux, Salaan-Carrabey, S.Maxamed Cabdile Xasan, Raage Ugaas, Dhoodaan, Timacadde iyo ragii kale ee la mid ka ahaaba, midna ma lahayn magac la xidhiidha suugaanyahannimadiisa.

Haddii aynu intaas isla garanay, bal aynu eegno samankan aynu ku miyannahay/noolahay sida iyo qaabka ay isula fal galeen magaca iyo hiwaayadda uu qofku ku jiro, gaar ahaanna suugaanta. Inta ogaalkayga ah, qofkii iigu horreeyay ee suugaanyahan ah, isla markaana loogu yeedho magac la xidhiidha ama sita sifo suugaaneed, waxa uu ahaa abwaan Xasan Daahir Ismaaciil, oo (Weedhsame) loo yaqaan. Magacaasi waxa uu ka turjumayaa heerka suugaaneed iyo sifadiisa hal-abuurnimo ee uu gaarka la yahay. Waxa ii labeeya Faarax-Murtiile, oo isaguna ah abwaan, laxamayse, majaajilayste iyo fanaan isku lammaan oo ka mid ah da’da dhexe ee hal-abuurrada soomaaliyeed. Labada abwaanba Ilaahay magaca waa uu ku asturay, haba kala mudnaadaane, maanta waa laba nin oo aad u can baxay.

Inta ay aynaan galin mucda iyo ujeedada qoraalka, bal aynu yara milicsanno qaabka magacu ku bixi jiray, inoo u kala qaadayna qodobbo tirsan si aynaan ugu jaho-wareerin. Sida aan baadhis ku helayna waxa ugu qumman shan nooc oo kala ah:

1- Sifo muuqaaleed: sifada muuqaal ahaaneed waa mid ku dhisan midabka, dhererka, qaabka iyo jinniyadaha uu qofku gaarka la yahay. Tusaale ahaan: ( Sandheere, Haybe, Yusur IWM) Oo ah magacyo amma naanaysyo la xidhiidha dhanka muuqa dul-ahaaneed ee qofka.

2- Sifo dabeecadeed: sifada dabeecadeed waa mid la xidhiidha hab dhaqanka amma dabeecadda uu qofku leeyahay. tusaale ahaan: ( Gurrac, Baarri, Seef-la-bood IWM.)

3- Sifo dhacdo la xidhiidha: magaca amma naanaysta dhacdada la xidhiidhaa, inta badan waa mid ku salaysan waayo-taariikheed oo uu qofku soo maray, kana turjunta qaabkii uu u waajahay dhacdada. Tusaale ahaan: haddii uu qofku soo maray dagaal, isla markaana uu dagaalka ka baqo waxa loo bixin jirey, (Cabbane). Tusaale kale: Haddii qofka ay soo marto dhacdo laga baqo in runta la sheego, amma ay dadku ka gaabsadaan sheegisteeda, isla markaana uu isagu runta ku caddeeyo waxa loo bixiyaa, (Dhiirrane.)

4- Sifo xilli la xidhiidha: Magaca ku baxa xilligu inta badan waxa uu u badan yahay, xilliga uu qofku dhashay oo kale. Inta baddana Soomaalidii hore waxa ay ku salayn jirtay, godka uu qofku dhasho oo loo awaal-deyi jirey. Tusaale ahaan inanta dhalata xilliga “ Mareego dheerta” Oo ah wakhtiga Toddobka ee uu roobku curto waxa loo bixin jiray ( Barwaaqo). Tusaale kale: Haddii uu wiilku dhasho “ God cirir” oo ah xilli aad u kulul, abaarina ay jirto, waxa loo bixin jiray, ( Halac amma Kaliil IWM).

5- Magac-dar: Magac-darku waa in qofka loogu magac-daro, qof ehelkiisa ah amma ay isir wadaagaan. Tusaale ahaan: Haddii qofka awowgii la odhan jirey “Meygaag” Mararka qaar waa loogu magac-daraa.

Sifooyinkaa aynu soo tibaaxnay, waa kuwa ugu cuddoon ee magaca ama naanaysta lagu la bixi jirey. Dhammaantoodna waa kuwo caan ah oo la is la yaqaan.

Haddaba wakhtiyadan dambe waxa aad u batay, dad mansab iyo magac raadis ah oo inta badan iyagu naanays ama magac la baxa. Magacyada ay la baxaan waa kuwo aanay matelin xirfad ahaan, dabeecad ahaan iyo muuqaal ahaanba. Tusaale ahaan: nin maanso barad ah oo aan suugaan dhumuc leh abuuri Karin ayaa la baxaya, “ Xikmaawi” Amma “ Abwaanka Qarniga” Iyo qaar kale oo badan oo ay ka mid yihiin “Murtiyahan hebel”.Laba siyoodba waan u dhalliilsanahay arrinta caynkaas ah:

1- Ta koowaad, horta markiiba waxa uu soo jiidasho iyo shaac-bax ka eegeen, magac la xidhiidha hiwaayaddoodaa amma hibadoodaa dad-sameega ah ee aan dabiiciga ahayn.

2- Ta labaad, magaca ama naanaysta ay la baxayaan waa mid tilmaamaysa, heerka ugu sarreeya ee hiwaayadda ay markaa ku jiraan.

Af-duubashada iyo dhabar-garaaca lagu hayo magac lala baxayaa, waxa uu sababay in badan oo suugaanta jeclaa ay ka xiiso-dhacaan, isla markaana ay aamini waayaan qofka lagu yidhaa waa suugaanyahan.

Ugu dambayntii waxa aan soo jeedin lahaa, in loom eel dayo magaca la isku sifaynayo lagu saleeyo awoodda dhabta ah ee uu qofku leeyahay.

FG: qoraalkan koobani cid gaar ah uma jeedo, laakiiin waa mid guud oo ka turjumaya waaqica hadda taagan.

W/Q: Cawaale Deeqsi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories