HomeXulalka Gobollada Maroodijeex iyo Togdheer oo ciyaartii maanta isku barbar dhacay iyo...

Xulalka Gobollada Maroodijeex iyo Togdheer oo ciyaartii maanta isku barbar dhacay iyo Xiisaha kulankii dhex maray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco, (SLpost)- Kulankii ugu horreeyey ee tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland ayaa maanta waxa isku haleelay gobollada Maroodijeex iyo Togdheer.

blankKulankan dhexmaray labada gobol oo xiisihiisa aad loo sugayay ayaa abbaaro 4:00 galabnimo ee maanta ka bilaabmay garoonka loogu talo galay ciyaaraha gobollada dalka ee Almazey, waxaana munaasibadda furitaanka ciyaaraha wakhti yar ka hor bilowga ciyaarta xadhigga ka jaray madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil ‘Saylici’.

Ciyaarta dhex martay xulalka labada gobol ayaa ku bilaabmatay jawi deggen iyada oo ciyaartoyga labada dhinac ay soo bandhigeen kubbad xiise leh, iyada oo weliba koox waliba markeeda weerar ku qaadaysay goolka kooxda ka soo horjeedda, waxaana jiray fursado badan oo ay labada dhinacba heleen balse ay ka faa’idaysan waayeen.

blankIn kasta oo ay jireen fursado dhowr ah oo dhinac waliba dayacay, haddana waxay xamaasaddii ciyaartu cirka isku shareertay ka dib markii xulka gobolka Maroodi-jeex ay u suurto-gashay inay gool kaga naxsadaan xulka martida loo ahaa kaas oo sababay inay ciyaartu isku beddesho weji kale oo ciyaartu isku beddeshay in culays xoog badani ku yimaaddo goolka xulka gobolka Maroodijeex in kasta oo ay jireen fursado kooxda goolka ku hormartay ay la galeen diilinta 18aad ee goolka xulka Togdheer.

Intii lagu gudo jiray daqiiqadihii ugu dambeeyey ee qaybta hore ee ciyaarta, labada kooxoodba waxa ay xoojiyeen oo qaab-ciyaareedkoodu u batay inay miisaanka saaraan Dhexda taas oo sababtay inay weerarka kubaddu tallan-taali u noqoto labada gool.

blankQaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo gabo-gabowday 1-0 uu gobolka Maroodi-jeex guusha ku hoggaaminayo. Balse markii laysugu soo noqday qaybtii dambe ee ciyaarta, koox walibana dhankeeda ka soo talo-goosatay, xulka gobolka Togdheer waxay soo galeen garoonka iyada oo uu ku taagan yahay goolka lagaga horumaray iyaga oo sida muuqatay isu arkayey inay guusha hantiyaan maadaama ay fursad u heleen inay martigaliyaan tartanka gobollada dalka.

Markii ay ciyaartu socotay muddo daqiiqada ah isla markaana labada xulba wax-ka-beddel ku sameeyey qaabciyaareedkoodii, waxa gobolka Togdheer u suurto-gashay inay keensadaan goolkii Barbarraha oo runtii ahaa mid aad u qurux badan oo dadkii ciyaarta daawanayey ay la dhaceen qaabkii loo soo agaasimay iyo siduu u dhashay.

In kasta oo labada xulba ay soo bandhigeen qaab-ciyaareed aad u qurux badan, haddana waxa uu kulankoodu ku dhammaatay barbarro 1-1 ah ciyaartuna waxa ay ku dhammaatay iyada oo labada xul, Kooxda Martida loo yahay iyo kooxda Caasimadda ka socotay, aanay gaadhin natiijadii ay rabeen oo sida muuqata ahayd in midba dhankiisa guul ka filayey.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories