HomeXulalka Gobollada Maroodijeex iyo Daadmadheedh oo Isugu Baxay Final-ka Koobka Kubadda Cagta...

Xulalka Gobollada Maroodijeex iyo Daadmadheedh oo Isugu Baxay Final-ka Koobka Kubadda Cagta gobollada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Gobolka Maroodijeex ayaa u gudbay ciyaarta Final-ka ee Koobka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland, kaddib markii ay guul ka gaadheen kulan xiiso badan oo maanta garoonka Hargeysa Stadium ku dhexmaray xulka gobolka Gabiley.

Kulanka oo qayb ka ah wareegga Semi-finalka ee koobka gobollada oo maanta soo dhammaaday, ayaa labada xulba soo bandhigeen ciyaar wanaag dadkii daawanayay soo jiidatay iyadoo dhinac waliba doonayay inay guul ka gaadhaan ciyaarta.

Qaybtii hore ee Ciyaarta ayay gobolka Gabiley u suurto-gashay inay keensadaan goolkooda 1aad oo ay ciyaarta ku daadihinayeen ilaa laga gaadhay daqiiqadii 88-aad xilligaas oo wax weyni iska beddeleen ciyaarta, kaddib markii gobolka Maroodijeex keensaday goolkooda barbar-dhaca.

Natiijadaas ayaa sababtay in wakhti dheeraad ah lagu daro ciyaarta, haseyeeshee 30 daqiiqo oo ciyaarta lagu daray, labada xul midkoodna aanu wax natiijo ah keensan, waxa ciyaartu gaadhay gool-ku-laad xor ah (Penalty). Xulka gobolka Gabiley ayaa laga qabtay laba ka mid ah 5-ta gool-ku-laad ee loo asteeyey, halka xulka gobolka Maroodijeex dhashaday Afar ka mid ah goolashooda, waxaanay ciyaartu ku dhammaatay 4 – 2 oo ay guushu ku raacday xulka gobolka Maroodijeex.

Xulka gobolka Maroodijeex ayaa ciyaarta Finalka ee koobka Kubadda Cagta gobollada Somaliland la ciyaari doona Xulka gobolka Daadmadheedh oo rikoodheyaal ku reebay xulka gobolka Hawd oo ciyaar adag shalay dhexmartay.

Ciyaarta Finalka ee koobka Kubadda Cagta Somaliland, ayaa qabsoomi doonta Maalinta Isniinta ee bishu ku beegan tahay 16 November 2020-ka.

Xulka Maroodijeex, haddii uu ku guulaysto Koobka, waxa ay noqon doontaa markii 4aad ee ay hantiyaan Koobka gobollada Somaliland, iyagoo haysta tirada ugu badan Koobka gobollada, halka Xulka gobolka Daad-madheedh uu markii u horeysay soo gaadhay ciyaarta Final-ka koobka gobollada.

Toos u daawo Ciyaarta maanta Dhexmartay Xulalka gobollada Maroodijeex iyo Gabiley.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories