HomeXukuuumadda Somaliland oo hirgelinaysa Xafiis Qaabilsan Faaf-reebka Qoraallada Buugaagta

Xukuuumadda Somaliland oo hirgelinaysa Xafiis Qaabilsan Faaf-reebka Qoraallada Buugaagta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay gacanta ku hayso hirgelinta hay’ad dowladeed oo qaabilsan faaf-reebka Buugaagta ay qoraan bahda Qalinleyda ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta hadal ka jeediyey daah-furka Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo sannadkii 14aad galay, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan gacanta ku hayaan sameynta Xafiis faaf-reeb oo ay ka hawl-geli doonaan khubaro ku xeel-dheer qoraalka Af-Soomaaliga.

blankWasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in qorshaha ka dambeeyey hirgelinta xafiiska oo ay ka qayb-qaadan doonaan khubaro ku xeel-dheer Qoraalka Afka Soomaaliga ay tahay sidii ay u dhiirri-gelin lahaayeen hal-abuurka qoraalka.

“Waxaanu sameyn doona Xafiis faaf-reeb oo imika faraha lagu hayo, waa xafiiska aanu isleenahay, waxaad isugu-geysaan dad khubaro ah oo sixi kara qorista buugaagta bulshada lagu soo dhex-daynayo,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaanu doonaynaa inaanu dhiiri-gelino qorista oo ay bulshadu ka faa’iidaysato inay dadku wax qoraan”.

Tallaabada xukuumaddu ku hirgelinayso xafiiskan oo aan la sheegin hay’adda dowladeed ee uu hoos imanayo, ayaa noqonaysa markii u horeysay ee Somaliland laga hirgeliyo xafiis qaabilsan faaf-reebka qoraalka.

Lama oga in shaqada xafiiskani qaabilsanaan doono ku kooban tahay faaf-reebka buugaagta oo kaliya, balse marka la eego qaabka ay u shaqeeyaan hay’adaha shaqada noocan ah qabta oo waddamo badan ka jira, kuwaas oo aanay shaqadoodu ku koobnayn qoraallada balse sidoo kale hawl-qabadkooda uu ka mid yahay faaf-reebka wararka iyo warbixinaha warbaahinta laga sii daayo.

Waddamada deriska oo uu ka mid yahay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, waxa ka jira xafiisyo dowladeed qaabilsan faaf-reebka wararka iyo warbixinaha laga sii daayo warbaabinta madax-bannaan, kaas oo maamul ahaan hoos yimaadda wasaaradda Warfaafinta dalka Jabuuti. Xafiiskan ayaa faaf-reeb iyo dib u eegis ku sameeya wararka laga sii daayo telefishannada madax-bannaan iyo mareegaha Wararka oo aan baahin karin warar iyo qoraallo aan xafiiskan soo marin.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories