HomeXUKUUMADU KOLBA WAX AY JECESHAHAY AYUUN BAA SHARCI AH

XUKUUMADU KOLBA WAX AY JECESHAHAY AYUUN BAA SHARCI AH

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xukuumadu madaxweyne Siilaanyo waxay Haamihii shidaalka ee Barbera ku wareejisay shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay haseyeeshee talabaadaasi waxay dalka ka abuurtay buuq iyo ismaan dhaaf laysku mari waayey, waxaa iskaga horyimi xukuumada iyo golaha wakiilada, khilaafkaas oo wali taagan.

 

Xukuumadu geesteeda waxay ku dhegan tahay qodobka 12-aad ee distoorka Jamhuuriyada Somaliland oo dhigaya xukuumadu inay masuul ka tahay hantida qaranka oo ay iibin karto kirayn karto iwm haddii loo arko inay faa’ido ugu jirto umada hase ahaatee dadka ka soo horjeeda in Haamaha gacan kale lagu wareejiyo ma diidana xaqa dawladu u leedahay ku takri falka hantida qaranka laakiin waxay ku doodayaan oo daw ah in la waafajiyo shuruucda dalka sida: in marka hore loo sameeyo xeerkii lagu maamuli lahaa, in umada loo sheego ama lagu qanciyo baahida keentay in Haamaha shidaalka la wareejiyo iyo in si cadaalad ah loogu tartamo, sharci ma aha waana fadeexad in dad gaar ah laga soo magacaabo aqalka madaxtooyada.

 

Waxaad moodaa sharcigu inuu yahay kolba waxay xukuumadu jeceshahay. Madaxweyne Siilaanyo iyo kudlada yar ee dalka ka talisa ma tix-galiyaan ray’ul caamka dadweynaha, iyaga oo qayb ka ah waxay indhaha ka qarsadaan boobka iyo gacan tugaalaynta xoolaha umada, waxay dhagaha ka furaysteen baaqyada iyo talooyinka xibsiyada mucaaradka ah, waxay aflagaado iyo meel ka dhac loo arkaa sixitaanka dhaliilaha xukuumada iyo hogo tusaalaynta saxaafada madaxa banaan, dan-ba kama laha cabashada iyo guuxa dadweynaha ee isa soo taraya.

 

Ninkii ciyaarta ka heesay wuxuu yidhi: “habarbaa iska haw-hawlee heelada inoo tuma”. Sidaa waxaa ka dhigan madaxweyne Siilaany iyo kooxdiisa oo ku heesaya dadku hayska buuqee xoolaha inoo gura.

 

Si kastaba ha ahaate waxay u eegtay inuu kala go’ay xidhiidhkii madaxweynaha iyo bulshadu. Qaylo dhaanta iyo dareenka kacsan ee dadweynuhu ma gaadho dhagaha madaxweynahooda sidaas awgeed waxaa meesha ka sii baxaya taageeradii loo hayey oo ah hantida ugu weyn ee madaxweyne ka heli karo dadkiisa (the greatest asset of a president is public support).

Qoraalkan kooban waxaan ku soo afmeeraya haddii kalsoonidu dhimato oo madaxda laga aamin ka baxo lagama haybadaysto, waxaa luma kala dambaynta, dadweynuhuna dhankooda waxay dhagaha ka furaystaan amaradaha dawlada ka soo baxa, waxaana dhici karta in amar diidadu u sii gudubto in si toos ah looga horyimaado xukuumada. In kasta oo masuuliyada la kala leeyahay dadka cadhaysan ee ku hawlan inay nabad galyo daro ku sameeyaan dalka iyo dadka negi waxaan ku odhan lahaa “waa naftaadee naanida ha jabin”.

 

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahamanadami@yahoo.com

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories