Home“Xukuumaddu way Jiraysaa Waxaanay ku Shaqaynaysaa Muddo Kordhintii Guurtidu Samaysay” Xil. Nacnac

“Xukuumaddu way Jiraysaa Waxaanay ku Shaqaynaysaa Muddo Kordhintii Guurtidu Samaysay” Xil. Nacnac

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SLpost)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Xildhibaan  Siciid Cilmi Roobe oo ay ka wada tirsan yihin Golaha Wakiiladda.xildhibaan Nacnac

Waxaa kale oo uu xildhibaan Nacnac  intaa ku daray Madaxtooyadu in ay tahay halkii qaranka looga talinayay  ee dalka ugu  sarraysay isla markaana aan dadka lagu dilin sida uu xildhibaan Siciid sheegay.
Waxaanu xildhibaanku kula taliyay Mudane Siciid Cilmi  ay  Golaha Wakiilada ka wada  tirsan yihiin ee ay mar dhan  dagaalka kaga wada jireen ee ay xuluufada soo wada ahaayeen in uu bisha Ramadaan hadalka aan wanaagsanayn iska daayo oo uu khayrba badsado, waxaanu yidhi “Waxa aan leeyahay madaxtooyada nalagu layn maayo ee waa taayadii iyo tii aad noola soo halgantay Siciidoow cidina nagama xigto ee bilaha Ramadaan iska cibaadayso oo hadalka badan ee aan waxba kuu tarayn yarayso ayaan ku odhan lahaa”“Waxa aan leeyahay saaxiibkay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Madaxtooyadu maaha meel la isku dilo ee waa xaruntii looga arriminayay dalka oo dhan, cid walbana waa u furan tahay oo waa innagii wada geli jirnay innaga oo wada socona.”

Xildhibaanka  oo la waydiiyay  sida uu u arko Xildhibaan Xasan Cawaalle oo xarunta Madaxtooyada ciidamada ilaaladu ay wax ku dhex yeeleeyeen ayaa ku jawaabay “Adeer Madaxtooyada waxa ku rakiban Camerado, waxaanan warbaahinta leeyahay ha la sugo, waayo askarigiiba waxa uu yidhi waan riixay, laakiin warkaa xildhibaanku ina yidhi waa la idilay, waxaanan leeyahay wax walba ha la hubsado”.

Xildhibaanka oo la waydiiyay waxa la yeelayo marka muddo xileedka Xukuumaddu dhammaado ayaa ku jawaabay. “Xukuumaddu way jiraysaa, waxaanay ku shaqaynaysaa muddo kordhintii ay Golaha Guurtidu sameeyeen.”

“Waxa aad ka war haysaa in barnaamijkii aanu doorashada ku galnay in aanu wax badan fulinay, inta yar ee noo dhimanna waxa aanu jecelahay in aanu soo dhamaystirno hadii alle idmo.Waxa aan ahaa Guddoomiyaha Ololaha, waxaanan qabaa in wixii aanu doorashada ku galnay oo dhan aanu sidoodii ku fulinay, lacagtii waa laga bedelay Bariga, Wadadii Ceerigaabo Waanu wadnaa, wasaaradihii foosha xumaa dib ayaanu u wada dhisnay, ciidamadii darajooyinkii iyo haybadoodii ayaanu u soo celinay, waxbarashadii hoose dhexe bilaash baanu ka dhignay, waxaas oo dhami barnaamijkayaga ayay ku jirtay, sidoodii ayaanan u fulinay” ayuu yidhi oo shalay u waramayay shabakadda Hadhwanaagnews.

Ugu dambayn xildhibaanka oo ka jawaabayay su,aal dadku in badan maqlaan oo ahayd Madaxweynuhu ma taliyo ayaa yidhi. “Habaar Waa Dibad, waxaanan leeyahay cida waxaas tidhaahda isla hela, madaxweynuhu wuu taliyaa, waxaanad ka war haysaan in cid kasta oo aflagaado u geysata in uu ilaahay ku reebay, isaga ayaa taliya oo hogaamiya qaranka, waxaanu u horseeday guulo la taaban karo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories