HomeXukuumaddu Waa Inay Dib-U-Hawgeliso Guddiga Ka-Soo-Kabashada Abaaraha oo Dhaqaale Gacanta Ku Hayey...

Xukuumaddu Waa Inay Dib-U-Hawgeliso Guddiga Ka-Soo-Kabashada Abaaraha oo Dhaqaale Gacanta Ku Hayey – BY Maxamuud Cali Walaaleeye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Guddiga Ka Soo Kabashada Abaaraha oo la dhisay badhtamahii sannadkii dhamaaday ayaa loo xilsaaray inay isku-dubaridaan qaababkii loo taakulayn lahaa dadkii ku tabaaloobay abaarahii dalka ka dhacay sannadkii hore iyo kuwii ka horeeyey.

Madaxweynahii hore JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo ayaa shaaciyey inaan la qaban doonin munasibad lagu maamuuso dabaaldegga maalinta Qaranimada 18 May sannadkii hore isla markaana lagu bedelay xaflad qaadhaan loogu uruurinayo dadkii ku tabaaloobay saamayntii abaaraha.

Maxamuud WalaaleeyeKhudbad uu Madaxweyne Md. Siilanyo jeediyey hebeenimadii 18 May 2017 ayuu ku sheegay, Si looga midha dhaliyo mashruucan qiimaha badan waxaan magacaabay guddi Qaran oo ka kooban noocyada kala duwan ee bulshada, culimo-aw-diin, ganacsato, ururada bulshada rayidka ah, xisbiyada mucaaridka ah iyo xubno ka tirsan xukuumada.

Guddidan waxaan u xilsaaray, qaadhaan ururinta ballaadhan oo ka bilaabanta dalka oo dhan maanta oo ay bishu tahay 18-ka May ilaa 26-ka June 2017.

Qaadhaan ururinta oo socon doonta muddada 45-ka cisho waxa lagu fulin doonaa mashaariic lagaga soo kabto abaaraha kuwaas oo ay kamid yihiin:-

In lagu celiyo dadkii ka barakacay deegaankoodii.

In loo iibiyo xoolo nool dadka caydhoobay gaar ahaan kuwa ugu jilicsan.

In la qodo ceelal biyood, iyo balliyo biyaha socda lagu qabto.

In la xidho seerayaal badan oo lagu baxsado xiliga jiilaalka.

In dadka aan awoodi karin laga caawiyo qodaalka beeraha xili roobaadkan.

Qaadhaankii isla habeenkaa lagaga dhawaaqay xarunta madaxtooyada ayaa lagu qiyaasay lacag caddadkeedu gaadhayey ilaa saddex milyan oo dollar, wallow,  ay ahayd ballanqaad ay sameeyeen dadkii ka soo qeybgalay munaasibadu.

Bishii November, sannadkii hore ayaa Guddiga Ka Soo Kabashada Abaaraha oo lagu eedeeyey inay lunsadeen lacagahii loo dhiibay oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa ku shaaciyey in lacagta rasmiga ah ee gacantooda soo gashay gaadhayso hal milyan iyo dhowr boqol, isla markaana ay ka codsadeen dadkii hore ugu ballanqaaday lacagahu inay bixiyaan.

Sheekh Maxamed Cali Geedi oo Guddiga ka tirsana ayaa sheegay in xafladii 18kii May lagu yaboohay lacag ka badan saddex milyann oo dollar, balse waxaa la helay oo kaliya ayuu yiri hal milyan  iyo labo boqol oo kun dollar

“Markaanu dadkii dhexgalnay lacagtii yaboohda lacagtii ka soo xerootay waxa ay noqotay Milyan laba boqol iyo sadex iyo todobaatan laba boqol iyo la iyo konton ( $ 1, 273,252), Lacagtaas waxa kharash ku baxay boqol iyo afar iyo todobaatan kun boqol iyo sideed iyo sideetan ($174,188), kharashkaasi wuxuu u badnaa Tiifiiyadii la isticimaalay, oo qaatay ilaa lacag ku dhawo konton kun oo doolar, sideed iyo toban kun ayey waxa ku baxeen kharashkii habeenkii 18 May, lacagtaas kharashaaka ah marka laysku geeyo waxay noqonaysaa boqol iyo afar iyo todobaantan kun, lacagtii soo ururtayna waxay ahayd Milyan laba boqol iyo sadex iyo todobaatan laba boqol iyo la iyo konton, marka intaa la kala jaro waxa soo hadhay Milyan iyo sagaal iyo sagaashan kun iyo afar iyo lixdan doolar ($1, 099,064.) lacagtaasi waa inta aanu imika hayno ee xaasilka ah.” ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Sheekh Maxamed ayaa raaciyey in  xubanaha guddidaasi ka soo kabashada Abaaraha  lacagta hayaan aan loo isticimaali doonin guud ahaan wax mashruuc ah isla markaana la hakiyey , ilaa wakhtiga kala guurka ee doorashada, isla markaana, marka Xukuumad cusbi ay dhalato, lacagtaasi loo isticmaali doono mashaariicdii loogu talo galay.

Xilligan oo dalka ay taagan tahay abaar saamayn ku yeelay bulsho badan oo ku kala nool dhamaan deegaanada dalka, isla markaana dhowaan Faysal Cali Sheekh, Guddoomiyaha Gudiga ka Hortaga Masiibooyinka Somaliland ayaa sheegay in hal milyan iyo todoba boqol oo qof ay ku dhufatay abaar baahsan oo ka jirta deegaanada Somaliland kuwaasi oo u baahan in lala gaaro gargaar deg deg ah.

Dadka ay abaartu saameysay ayaa ku sheegay Mr. Faysal  in 47% shacabka ku nool deegaanada Somaliland gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah, wuxuuna Gudoomiyaha uu sheegay in hay`adaha aysan waxba ka qaban dhibaaatda taaagan ee xooluhu ay la dhimanayaan.

Haddaba, waxa la gudboon Xukuumada Madaxweyne Md. Muuse Biixi inay bilowdo talaabooyin wax loogu qabanayo dadka xilligan dhibaatadu weheliso intii awoodooda, isla markaana degdeg dib-ugu-hawlgeliso   Guddida Ka Soo Kabashada Abaaraha oo haya qaadhaan lacageed hore shacabku ugu yabooheen taakulaynta dadkii abaarahu saameeyeen, sidoo kale, waa muhiim, in xukuumadu soo saarto baaq ay caalamka ugu gudbinayaan saamaynta abaaraha ka jira dalka, iyo inay degdeg taakulayntooda uga geystaan xaalada taagan, intaanay meel xun sii gaadhin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories