HomeXukuumaddu Maxay Ka Tidhi Hadaladii Ay Hawada Isu Mariyeen Muuse Biixi Iyo...

Xukuumaddu Maxay Ka Tidhi Hadaladii Ay Hawada Isu Mariyeen Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Cirro?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dr.-Sacad-Cali-Shire-1Hargeysa (SLpost)- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shirre ayaa murshaxiinta xisbiyadda Kulmiye iyo Waddani ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan hadaladda xanafta leh ee ay isu-marinayaan warbaahinta, oo ay shacabka u soo bandhigaan waxyaabo nabada doonta iyo noloshooda u wanaagsan. Islamarkaanna wuxuu sheegay in doorashadaasi haddii si wacan oo qurux badan innoogu dhacdo inoo horseedi karto hannaan aynu ku hannaan karno ictiraaf aynu adduunka ka helo.
Wasiir sidoo kale wuxuu sheegay in hordhicii ugu horraysay goob-joogayaal indho-indheeya doorashadda qabsoomi doonta 13 November 2017-ka dalka yimaadeen.
Wasiirka oo ugu horrayn farriin u diraya murashaxiinta xisbiyadda wuxuu yidhi“Runtii si wanaagsan bay doorashadu innoogu socotay sidaynu u galay shantii ka sii horreeyayba, marka laga reebbo dhawaan oo hadalo xanaf leh la isu-tuurtuurayoo oo ka soo baxay faggaarayaasha laga hadlo. Arrinkaasi waxa laga yaabba in aanay dareensanayn siyaasiyiintu, laakiin dhaawac wayn buu innoo gaysanayaa runtii.”Sidaa ayuu yidhi Sacad Cali Shirre waxaannu hadalkiisii ku ladhay “Doorashadeenna si fiican baa loo dannaynayaa, loola socdaa waxa aynu nidhaahno iyo waxaynu qaban-baa la duubayaa. Marka waxa wanaagsan in aynu ka fogaanno wax alle iyo wixii sumcad xummo innoo keenaya, tiirarka aynu ku taagan-nahay ee laynugu qaddariya waxa weeye waa nabada iyo dimuqraadiyadda iyo hannaanka dawladnimo. Haddii aynu la nimaadno wax burinayaa intaas samcadeennu hoos-bay u dhacaysaa. Halkii aynu taagnayn hoos baynu uga dhacaynaa taasinna maaha himiladeenna. Haddii ay wax walba innoo haggaagan doorashadda maanta oo wax waliba innoogu dhacaan si nabad ah oo xalaal ah wax wayn bay ka taraysa geedi-socodka Ictiraafkeenna.”
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dalka ay soo gaadheen hordhicii goob-joogayaal ka socda caalamka oo u kuurgalaya xaaladda doorashadda qabsoomi doonta 13 Nov 2017-ka“Goob-joogayaasha waxa inoo yimi hordhacoodii oo inta ugu badan waxay yimaadaan shanta cisho ee ugu dambeeya, waxaan rejaynayaa ilaa 100 waxaan ka yarni inay inoo timaado, inaguma horayso oo caalamka waxa inooga yimi goob-joogayaal, iyagoo markii dambe xaqiijiyay in wixii aynu galay ahayeen doorasho xor iyo xalaal ah.” Ayuu yidhi Sacad Cali Shirre
Dhinaca kale, Wasiir Sacad Cali Shirre wuxuu sheegay in qaab ka duwan doorashooyinkii horre immika loo gali doonno doorashaddan ku soo food leh dalkeen Somaliland , oo kalsooni badan ku qabaan shacabku “Gudiga doorashooyinku shaqo wanaagsan bay ilaa hadda hayaan, waxaynu u baahannahay in aynu la shaqayno gudiga doorashooyinka. Dabcan haddii ay jirto cabasho waxaynu leenahay nidaam ee waa in nidaamka lagu dhammeeyo. Qaabka hadda wax loo dooranayo wuu ka duwan yahay hababkii horre oo hababkii horre waa lagu noqnoqon jiray doorashooyinka, laakiin hadda suurta-gal maaha oo waxaynu qaadanay nidaam aad u wanaagsan oo dadka oo dhammi ku wadda kalsoon yahay.”Sidaa ayuu yidhi Sacad Cali Shirre

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories