HomeXukuumaddu Ma Weyday Cid Boobe U Jawaabta? – W/Q: Naasir Maxamed Cabdilaahi

Xukuumaddu Ma Weyday Cid Boobe U Jawaabta? – W/Q: Naasir Maxamed Cabdilaahi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blank39 maalmood ayaa laga joogaa, markii uu Boobe Yuusuf Ducaale oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelintu bilaabay Qoraal taxane ahaa oo koobnaa oo ku gar-naqsanayay.

Mujaahid Boobe qormooyinkiisaa hodanka iyo xogogaalkaba ahaa si la yaab leh ayay u soo jiiteen dareenka dadweynaha gude iyo dibadba, waxaan ka dhashay fal-celis la yaab leh oo aad loogu riyaaqay.

Tan iyo maalintaa ilaa maalinkan maanta ah ee aynu joogno wax juuq iyo jaaq ah lagama maqal Xukuumadda Siilaanyo, marka laga tago mar qudh ah oo uu Wasiirka Madaxtooyadu u holladay, bal se uu ku barriiqday oo uu isku caddeeyay wixii lagu sheegayay.

Dadweynuhu waxay aad ula yaabban yihiin waxan aammusiiyay Xukuumaddeennii jawaabaha la taagnaan jirtay. Shacbigu aad ayuu uga yaabban yahay aammuskan dheeraaday ee Xukuumadda iyo dhuumashada intii jawaabaha la soo ordi jirtay ee warbaahintu khaatiga ka joogsan jirtay. Mujaahid Boobe ma wuxu noqday wax lagu dhici waayay in loo jawaabo? Mise dhacdooyinkan iyo xogtan uu soo bandhigay ayaa run ah oo meel laga maro la waayay iyo wax lagu beeniyaba?

Maxaa dhacay waa la yaabban yahay e’? Maye intii u hamuumi jirtay ee u soo haliili jirtay u-jawaabidda shacbiga waajibaadkooda gudanaya ee Xukuumaddeenna ku naqdiya sida ay uga gaabisay xil-gudashadeedii looga fadhiyay iyo ballan-qaadyadii ay ololihii doorashada ku soo gashay.

Arrintani waa mid jawaab u baahan, haddii uu aammuskaasi sii dheeraadana, shacbiga waxa u sii caddaanaysa in uu Mujaahid Boobe run sheegayay sidii ku caddayd Qormooyinkiisii taxanaha ahaa ee koobnaa.

Xaqiiqadu waxay tahay in uu Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ku dhuftay xabbad daloolisa ah oo dhalisay in ay Xukuumaddeennii ‘Dhagaxyo-cas’ iyo ‘Derbi-ka-adag’ ku caano-maashay soo rogan weyday.

Mujaahid Boobe wuxu soo bandhigay dhacdooyin taariikhaysan, maalmaysan, saacadaysan iyo qaar daqiiqadaysanba. Ma been baa? Haddii la beenin waayo oo ay Xukuumaddan qoor-diinlaynaysaa soo bixi weydo, shacbigu wuxu u qaadanayaa in ay run yihiin wax alle yaale wixii uu soo qoray Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

Hadda Mudane Gabboose, oo maalin dhaweyd hadlay biyo looma kabban ee markiiba waa lagu booday? Show Xukuumaddanba maqaallo taxane ah hadii la isu dabo-dhigo maba soo roganeyso.

Naasir Maxamed Cabdilaahi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories