Home"Xukuumaddeennu Maba Qaadato Lacagta Shilinka Somaliland" Xisbiga WADDANI

“Xukuumaddeennu Maba Qaadato Lacagta Shilinka Somaliland” Xisbiga WADDANI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Saymaha sicir-bararka, sarrifka duulay iyo suuqa madow

Odhaah Soomaaliyeed ayaa ahayd: “Af noolina waa hadlaa….” Maansayahankeennii waddaniga ahaa ee Cabdi Iidaan Faaraxna mararka uu arrin saro si asluubaysan wuxu u odhan jiray: “Anuu daaha kama rogin, dadku se wuu yaqaannaa.” Intaasi waa arar dadab-galkeed. Hoos aan u soo dego. 1980kii ayuu nidaamkii dalka ka talin jiray ku haftay sicir-bararkii, sarrifkii duulay iyo suuqii madoobaa ee dal iyo dadba aafeeyay. Guddi ayuu u saaray soo baadha inta uu wixii kaarbuuno ama toosh Xamar yaallay u iibiyay oo ku yidhi meel kasta habeen iyo maalinba mara oo soo hela aafadan dalka ku habsatay. Waa aafo aan suuqyada iyo sariibadaha joogin ee samadaa sare iyo suuryooyin aan la gaadhayn heehaabaysay. Gaarriye ayaa inta uu dabka ugu xiddigiyay soo helay sababihii oo ka tiriyay maansada la magac-baxday “Hashii Cosob waa tan”

Xilliyadu isu ekaa……Guddiyadu isu ekaa……Afooyinku isu ekaa……Qaababka la doonayo in wax looga qabtaana isu ekaa……Xarrago iyo xishoodba waa hore ayaa laga jaqaafiyay. Dadka waxa loo haystaa dad aan waxba garanayn. Shaashadaha inta kolba mid doollarkii ku sawiran yahay inoo soo fadhiisto ayuu inaga dhaadhicinayaa denbi uu isagu leeyahay in uu kii geystay doon-doonayo iyaga oo ilamada yaxaaska saydhinaya. Garaadkeenna iyo garashadeenna ayaa la caayayaa. Tusaale nool oo aan meel fogba oollin aan idiin soo dhufto. Xafiisyada dawladda intooda badan cashuurta waxa lagaga qaadaa doollar. Haddaad Maaliyadda miisaaniyaddeenna weydiiso doollar ayay kuugu sheegayaan. Xukuumaddeennu maba qaadato shilinka Somaliland. Haddana sarriflayaashii ayay la shiraysaa oo ay weydiinaysaa sicir-bararka waxa keenay? Sarrifka duulay halka uu ka yimid iyo suuqa madow sababaha dhaliya. Waa Xisbi iyo Xukuumad is-xanbaarsan oo xanuunkaa iyo xanaftaa ay ina badeen weliba doonaya in aynu mar kale xanbaarno oo xukunka ku soo celinno. Waa ay garanayaan xalka xaajooyinkan taban ee laga dhaqaaqi la’ yahay, ma se doonayaan in ay maaro u helaan oo dantooda kooxeed, qoys ama qofnimo ayaan ku jirin. Doollar-urursi baa jiraa meel keliya ku biyo-shubta oo cid keliyi ku biyo-shubato. Marka aad sidaa wax u dhalliisho cay ayay u yaqaannaan, mararka ay qaranka hadimaynayaanna magaca qaranka ayay hillaabtaan. Gaarriye miyaanu maansadiisa Hashii Cosob ku odhan:

 

“Miyaan cadda-loolka,

Habeenki ciyaarta,

Carruurtu ku heesin,

Maroodi maroodi,

Maroodi cadhoole,

Markii col la sheego,

Cadaadda ku meere,

Hashii Cosob waa tan,”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories