Home“Xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo, Waxay La Soo Baxday Dhaqan Aan Hore Loogu Aqoon...

“Xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo, Waxay La Soo Baxday Dhaqan Aan Hore Loogu Aqoon Xukuumaddihii Ka Horeeyey Oo Ah Qabyaalad” Cabdi Haybe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaalena Wasiir ka ahaa, ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye ku jiro olole, isagoo ku eedeeyay inuu hantidii umadda ku ololaynayo.

cabdi-haybe

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sidoo kale waxba kama jiraan iyo dayaacado ku tilmaamay wararka sheegaya in Cabdiraxmaan Cirro la kulmay Raysal-wasaaraha Somaliya, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya olole uu sheegay inuu Xisbiga kulmiye ku jiro “Xisbiga muxaafidka ee Kulmiye wuxuu dalka ka wadaa olole, iyadoo abaar xumi jirto, oo dadkii iyo xoolihiiba leedeen, ayaa haddana Xisbiga Kulmiye ku jiro olole sharci daro ah, oo aan loo fasixin, waxay ku ololaynayaan Hantidii Umadda ka dhexeysay iyo Gaadiidkii umadda ka dhexeeyey ee Dawladda, waxaan Xisbiga Kulmiye leeyahay joojiya ololaha, dalkana abaar baa ka jirta, oo wali ololihii lama gaadhin ee wakhtigiisa suga, oo dadku ma qaadi karo ololahan aad wadaane joojiya”.

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey wararka sheegaya in Cabdiraxmaan Cirro la kulmay Raysal-wasaaraha Somaliya ayaa yidhi “Waa dacaayado iyo been abuur lagu doonayo in olole laga dhigto, in Cabdiraxmaan Cirro la kulmo Raysal-wasaaraha Somaliya, suurtagalna maaha inuu la kulmo, maxaa yeelay waa Guddoomiyihii Barlamaanka Somaliland, waana Musharixii Madaxweyne ee Xisbiga Waddani, markaas Xisbiga Kulmiye waxaan leeyahay Cabdiraxmaan Cirro waa Madaxweynihii mustaqbalka, lagamana yaabo  inuu si yar oo fudud ama dhuumasho kula kulmo Madaxda Somaliya, ee dadkiisa iyo dalkiisa wuu jecel yahaye ee daacayada joojiya, oo Siyaasad hufan oo bilaa turxaana la yimaada oo soo bandhiga, sawiro la isku nabnabayana qiil ha ka dhiganina, oo waa tii Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Somaliya oo wada jooga la soo wada sawiray, haddii ciddi Somaliya u dhawdahayna waxa u dhaw Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, oo wada hadalo la furtay, oo Ankara ku wada hadlay, oo Ingiriiska ku wada hadlay, oo Dubia ku wada hadlay, oo Jabuuti isku arkay, oo waliba Rag ka tirsanaa oo xilal hayey si toos ah u tageen, markaas Xisbiga Kulmiye maaha inuu ku meeraysto meelo yar oo soke iyo dacaayado aan ka soconaynin ee waxaan leeyahay tartankiinu ha noqdo tartan hufan”.

Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey Xukuumadda wuxuu yidhi “Xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo, waxay la soo baxday dhaqan aan hore loogu aqoon Xukuumaddihii ka horeeyey oo ah qabyaaladii oo ay meel aad u xun gaadhsiisay, oo Xukuumaddihii hore dhinaca wanaagsan ayey mar walba ka istaagi jireen Qabyaalada iyo Beelaha, balse Xukuumaddani dhinaca xun bay ka istaagtay, laakiin Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay waxaad tihiin dad reer Somaliland ah oo ku abtirsada Jamhuuriyada Somaliland ee mar walba dhinaca wanaagsan ka eega qabyaalada”.

 

Cabdi Haybe oo ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Doorashadii waxa hadhay muddo saddex bilood ah, waxayna aniga ila tahay marka aan eegay xaalada ay dadkeenu ku jiro, abaaraha taagan iyo waxa la filan karo in aanay Doorashadu wakhtigaas ku dhacayn, madaama abaar aad u darini jirto, oo bisha saddexaadna ku beegan tahay jilaal, waxaan se filayaa in haddii ay dib u dhacdana in wakhti aan badnayn dib u dhici doonto, Komishanka iyo Saddexda Xisbiga ayaana kolay iska arki doona arinta Doorashada, iyagaana kolay go’aan wada jir ah ka soo saari doona”.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories