Home“Xukuumaddan immika joogtaa waxay innagu noqotay Dhuxul Dambas huwan oo waa lagu...

“Xukuumaddan immika joogtaa waxay innagu noqotay Dhuxul Dambas huwan oo waa lagu hungoobay”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa shaki geliyey inay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo diyaar u tahay inay hirgeliyo doorashooyinka loo muddeeyey sannadka dambe badhtamihiisa inay dalka ka qabsoomaan, waxaanu ku dooday inaanay diyaar u ahayn inay si fudud oo dimuqraaddi ah xilka u wareejiso ilaa xoog iyo muquunin loo adeegsado in talada dalka lagaga wareejiyo.

Jamaal Cali Xuseen oo Kali-talisnimo sharci-darro xambaarsan ku tilmaamay tallaabada xukuumaddu ku bilowday Diiwaangelinta Madaniga ahJamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inay shacabku ku hungoobeen rejadii ay ka qabeen xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisa, wakhtigaanna aanay munaasibad ahayn in la sii eegto xaaladda waddanku ku sugan yahay isla markaana loo baahan yahay in shacabku ka gil-gishaan.

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID oo maanta hadal ka jeedinayey munaasibad soo-dhawayn ah oo xisbigu u sameeyey taageeraal ka tirsan degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa oo ka diga-rogtay xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxa uu xukuumadda Xisbiga Kulmiye ku dhaliilay inay tahay xukuumad aan tixgelintii ay lahaayeen u quudhin Axsaabta mucaaradka ah ee dalka, balse ay dhegaheedu u furan yihiin dhawaaqyada iyo dhex-dhexaadinta beesha Caalamka.

Isaga oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Xukuumaddan immika joogtaa waxay innagu noqotay Dhuxul Dambas huwan oo waa lagu hungoobay. Waa xukumad ka baqanaysa Shacabka iyo Beesha Caalamka, laakiin niman u diyaar ah inay sameeyaan doorasho, anigu uma arko. Dadku waa inay u diyaar-garoobaan halgan, nimanka halgan uunbaa lagaga tuuri karaa meesha, mana sii eegayn karayno sida ay immika wax u socdaan.”

Waxa uu Jamaal ka hadlay musuq-maasuq iyo wax-is-daba marin hay’adaha xukuumadda Siilaanyo ku kacaan, kuwaas oo uu sheegay inay halis ku yihiin nidaamkii cadaaladeed ee dalka. “Maanta Kuraasi nama deeqayso ee caddaalad baa ina deeqaysa, maanta haddii dadka laga dhargiyo oo la yidhaa hebel intaas hala siiyo, reer hebelna intaas hala siiyo, cid dhargeysaa ma jirayso. Laakiin caddaalad baa ina deeqaysa oo dadka u keenaysa inay helaan biyo, waxbarasho, caafimaad iyo in nabadgelyo la helo iyo dalkani noqdo dal jira oo caalamka ka mid ah.

Waxaynu nahay dalka kaliya ee faqiirka ah ee haddana aan waxba laysweydiinin ee aan lays baadhin. Barigii dawladdii Rayaale mid macag-u-yaal ah (Hanti-dhowr) baa la samayn jiray, immika weli miyaad maqasheen wali waxbaa la baadhay? Waxyaalaha dalka ka dhacaya iyo qandaraasyada layska bixinayo ee aan cidi ogeyn, macdan hadday tahay, dhul hadday tahay, shidaal hadday tahay, wax baarlamaanka yimaaddaa ma jiraan,” sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo maanta khubad ka jeediyey munaasibad xisbigu u sameeyey taageerayaal cusub oo ku biiray.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories