Home“Xukuumadda Waxaanu Kula Talinaynaa Waar Ummadda Ka Daaya Khilaafka Aad Ku Abuureysaan"...

“Xukuumadda Waxaanu Kula Talinaynaa Waar Ummadda Ka Daaya Khilaafka Aad Ku Abuureysaan” Sheekh Aadan-Siiro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) heekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Xukuumadda ugu baaqay inaan Ummadda Somaliland la kala dhex dhigan Khilaafaad Qaybiyo isla-markaana Mushkilad ku keena Dalka.

 

sheekh-aadan-xaaji-m

Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbaddii Salaadii Jimcaha kaga hadlay Arrimo badan oo ay ka mid tahay baahi ka jirta meelo ka mid ah Somaliland iyo hab-dhaqanka Masuuliyiinta Dawladda Qaarkood oo qoysaskoodu isticmaalaan Hanti ku filaan lahayd Dad badan, ayaa Xukuumadda kula taliyey inaan Hantida Ummadda laga qaado loo isticmaalin kala qaybinta Dadka Walaalaha ah.

Sheekha oo ugu horeyn is-barbar-dhigaya Nolosha Dadka danyarta ah iyo Nolosha Qoysaska Masuuliyiinta Dawladda, ayaa yidhi, “Markaad koonayaasha Hargeysa tagto meelaha qaarkood waxaad is odhanaysaa Malaha meeshani maaha meel Hargeysa ka mid ah dhibaatada Dadka ka muuqata awgeed. Madarasad aanu maalin dhawayd tagnay oo Nin Wadaad ahi nagu Casuumay. Haddaad Carruurta joogta halkaa Aragto qaar baa Kabo la’, Basaasta Carruurtaa ka muuqata iyo mushkiladda halkaa taalla ILAAHAY baa yaab kuu keenaya, innagoo og kuwa Talada haya Qaarkood siday u dhaqmaan, Siday u nool yihiin Qoysaskoodu iyo sida loogu soo adeego, waxaad is odhanaysaa Malaha intii ay Maalintii Kun Qoys isticmaali kari lahaayeen ayaa keligood loogu soo adeegaa. Waa Waxyaabaha Maanta lagu faano inaad Agoonta Waxooga indhaha qabato, in wax Magaalo dhan ka dhexeeya Keligaa iska qaadato, in wixii Mashaariic la bixiyey ee Somaliland oo dhami u bakhtiyeysay ay Kooxi iska qaadato.”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, “yaa Maanta ugu Faqri badan oo Hantida Ummadda booba, yaa Maanta ugu faqri badan oo qalbigoodii faaruq yahay ? inta Magacyada leh, inta markoodii hore beystaynu haystay weeyaan kuwa boobaya Dhulka Ummadda, Agoonta iyo inta Jilicsan. Waar Haddaad Shantaada Salaadood ka adkaato, Xaaraantana ka dhowrsanaato (Waxaad ka mid noqonaysaa) kuwaa Rasuulku leeyahay ILAAHAY iyo Rasuulkiisa ayay jecel yihiin oo sidaa ayay ku nabad-gelayaan (Qiyaamaha).”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Nin ka mid ahaa Aa’imadii Muslimiinta ayaa yidhi ‘Hadduu xaqu kaaga yimaaddo Qof aad neceb tahay Qaado. Haddii Qof ku keeno Arrin khaldan dhinac iskaga tiiri oo ku celi, haba noqdo Qofkaasi Qof aad aad u jeceshahay’. Kaasi waa Miisaanka uu Islaamku ku miisaamay Dadka aad is-raaceysaan iyo kuwa aad diidayso.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa uu Xukuumadda ugu baaqay in aanay khilaaf kala dhex dhigin Qabaa’ilka Somaliland, “Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa waar Qabaa’ilka ha qaybinina, waar ka daaya inaad Hantida Ummadda ku qaybisaan Dadka is-jecel ee Aragtida uun ku kala gedisan. Inaad tidhaahdaan Hebeloow u jawaab hebel, Hebeloowna u jawaab hebel, iyadoo Ujeeddadiinu tahay marxalad laga gudbayo oo aanay Dadku ku kala tagayn inaad ku qaybisaan. Haddaad Lacag aad leedihiin ku qaybinaysaan (Dadka) waxba may ahaateen, laakiin Islaanta Suuqa la fadhida Daasadda Tamaandhaha ah ee Shanta Subaxnimo soo kalahaysa ee Carruurteeda qaarkood baahi darteed badaha u galeen, Haddii Adigana uu Go’aankaagu noqdo inaad Dadka ku qaybiso Shanta boqol ee Islaantaa laga qaado oo aad Dadka khilaaf dhex gelisaan (Waa dhibaato), markaa waa in Sharciga la ilaaliyo oo Dadka laga daayo khilaafka, Naxliga iyo dhibaatada lagu abuurayo Dadka Walaalaha ah.”

 

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories