Home“Xukuumadda Waxa U Wanaagsan Inay Turkiga Abaarto, Oo Ay Ka Dhaadhiciso Qadiyadeeda,...

“Xukuumadda Waxa U Wanaagsan Inay Turkiga Abaarto, Oo Ay Ka Dhaadhiciso Qadiyadeeda, Una Sharaxdo Labada Dal” Ismaaciil Hurre Buubaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(Slpost.net)- Hargeysa)-Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay sida uu arko hadalkii Jeneral Galaal, waxaanu tilmaamay inuu rayigiisa ka hadlay, balse aanay maanta suurtagal ahayn inay Somaliland la midoowdo Somaliya,waxaanu tilmaamay inay haboon tahay in Somaliland iyo Somaliya kala ahaadan laba Dawladood oo jaar ah.

Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siyey ayaa sidoo kale Xukuumadda Somaliland kula taliyey inay si toos ah u abaarto Turkiga oo qadiyadeeda si cad ugu sharaxdo, si aanu ugu khaldin Somaliya, waxaanu sidoo kale ka hadlay qodobo kale, waxaanu yidhi “Jeneral Galaal rayigiisu ayuu ka hadlay, balse suurgal maaha inay Somaliland iyo Somaliya dib u midoobaan, maxa yeelay midnimadii ay 1960-kii midoobeen Somaliland iyo Somaliya, Somaliya ayaa dishay, maantana intaas oo Maamul Gobolada ayey isku

qaybisay,waxaana wanaagsan in maadama aanu Somaliya kala tagnay in aanu kala ahaano laba dawladood oo walaalo ah, oo mid walba goonideeda isku taagto, wixii ay isla qaban karaana is la qabtaan, Somalida ku nool gayiga Geeska Afrika ha ahaadeen Somalida Kenya,ha ahaadeen Somalida Itoobiya, ha ahaadeen Jabuuti, ha ahaato Somaliya, ha ahaato Somaliland haddii Wadan la noqon waayey waxa haboon inaynu kala noqon shan Wadan oo walaalo ah, oo jaar ah oo wax wada qabsada, waxna is tara”.

Prof: Buubaa mar uu ka hadlaayey sida uu u arko Turiga iyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Xukuumadda Somaliland waxa u wanaagsan in Turkiga saani u abaarto, oo ay ka dhaadhiciso qadiyadeeda iyo in Somaliland iyo Somaliya ahaayeen laba dawladood oo midoobay 1960-kii, kadibna dib u kala noqday, oo Somaliland xoriyadeeda dib ula soo noqotay 1991-kii, oo maanta sinaba aanay suurtagal u ahayn inay dib u midoobaan, dhibaatooyinka ka taagan hadda Somaliya cida kaliya ee runtii si wanaagsan wax uga qaban karta una soo celin karta deganaashaha waa Somaliland, oo noqda Wadan madax banaan, oo Caalamka aqoonsi ka hela, ee Turkigu waxa u haboon inuu ilaaliyo, xaq dhawrana madax banaanida Somaliland iyo qadiyada shacabka reer Somaliland”.

Prof: Buubaa mar uu ka hadlaayey Diyaaradihii duqeeyey deegaano ka tirsan Gobolka Daadmadheedh ayaa yidhi “Sida aynu ogsoon nahay Diyaaraduhu habeen iyo maalinba  wey ina  dul maraan, iyagoo raadinaya soc-socod, iyo cid ay ka shakisan yihiin, kolay cid laguma dhibaatayn duqeeyntaas, balse haddii cid lagu dhibaatayn lahaa waxa masuuliyadeeda yeelan lahayd Xukuumadda oo lagula xisaabtami lahaa, waxaana haboon in Xukuumaddu la xidhiidho cid walba oo ay ku tuhmayso Diyaaradahan, oo wax ka weydiiso sababta keentay in Diyaaraduhu duqeeyaan deegaano ka tirsan Somaliland”.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories