HomeXukuumadda Somaliland oo Xisbiyada Mucaaradka ku eedaysay inay luminayaan Wakhtiga Doorashooyinka

Xukuumadda Somaliland oo Xisbiyada Mucaaradka ku eedaysay inay luminayaan Wakhtiga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa labada Xisbi Mucaarad ku eedaysay inay sabab u noqonayaan dib u dhac ku yimaadda Doorashada maadaama ay ka soo horjeeedaan go’aanka furista ururrada Siyaasadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta go’aan ka soo saaray bannaan-bax ay xisbiyada mucaaradku ka dalbadeen wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa uu sheegay in Xeerka doorashada ee xeer Lr.14/202 jideeyey qabsoomidda Doorashada iyo furitaanka ururrada siyaadda isla markaana ay goleyaasha Sharci-dejintu oggolaadeen.

Labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa qoraal ay shalay u gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha kaga codsaday bannaan-bax ay ujeeddadiisa ku sheegeen mid lagu badbaadinayo Somaliland kaddib markii sida ay sheegeen xukuumaddu faro-gelin ku samaysay komishanka Doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu xisbiyada mucaaradka ku eedeeyey inay luminayaan wakhtiga loo muddeeyey furista ururrada siyaasadda oo ku beegan bisha lixaad ee sannadkan iyo sidoo kale diyaar-garowga doorashada madaxtooyada oo ku muddeysan bisha November ee sannadkan.

“Arrinta Doorashada iyo Furitaanka Ururada waxaa jideeyay Xeer No.14/202, Golayaasha Xeer Dejintuna ay oggolaadeen, diidmada Xisbiyada Mucaaradka ayaa dib u dhigaya Doorashada, wakhtina lumineysa,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Xukuumadda Somaliland, waxa ay hore u sheegtay inay wakhtigooda ku qabanayso Doorashada Ururrada siyaasadda iyo sidoo kale Doorashada Madaxtooyada oo ay sheegtay inay ka qayb-qaadan doonaan saddexda urur ee ka soo baxa tartanka ururrada siyaasadda.

Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland, ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay furista ururrada siyaasaddu uga dan leedahay dib-u-dhac ku yimaadda Doorashada madaxtooyada, iyadoo wakhtiga muddo-xileedka Xisbiyaduna ku egtahay bisha December ee sannadkan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories