HomeXukuumadda Somaliland oo xilliga kala-guurka ah ee Dawladda Somalia u aragta Fursad...

Xukuumadda Somaliland oo xilliga kala-guurka ah ee Dawladda Somalia u aragta Fursad waxtar u leh Wada-hadallada u socda labada dhinac

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Somaliland ahna afhayeenka rasmiga ah ee xukuumada Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale “Boobe” ayaa cadeeyay in wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia aanay Macnahoodu ahayn in Somaliland ay qayb ka noqotay Saxeexayaasha Somalia ee loo yaqaan Tubta nabadda, isla markaana Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland ay tahay wax aan Gorgortan iyo ka noqosho lahayn.

[stextbox id=”info”]HOOS KA DAAWO VIDEO[/stextbox]

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaale, waxaanu u dhignaa sidan:- “Intii u dhexeysay 20kii iyo 21kii Juun, 2012ka, ergooyin ka socday Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa wada-hadallo ku yeeshay magaalada London, iyaga oo ka dhaqaaqayay ama fulinayayba war-murtiyeedkii ka soo baxay shirarkii London iyo Istanbuul. Labadaa war-murtiyeedba waxay ka hadlayeen in la taageero oo la taakuleeyo wada-hadallo dhex mara labada dhinac ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ama ciddii dhaxasha.. Wada-hadalladan waxa looga gol lahaa in laga caawiyo sidii ay u qeexi lahaayeen xidhiidhada ay mustaqbalka yeelanayaan. Ergada Jamhuuriyadda Somaliland waxa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxaanay ka koobnayd shan xubnood.

Kulankaa London ka dhacay waxa shiishka la saaray u-gogol-xaadhka wada-hadallada mustaqbalka iyo meelaha ay iska kaashan karaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda ku-meel-gaadhka ah ama cidda dhaxashaa. Shirkan London ee ugu danbeeyay wuxu ugu baaqay labada Madaxweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda ku-meel-gaadhka ah in ay sida ugu dhakhsaha badan u falanqeeyaan una eegaan horumarka laga gaadhay wada-hadalladan. Sidaa darteed ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu boqoolay Dubai si ay u soo barakeeyaan war-murtiyeedkii ka soo baxay London ee wada-hadalladii ugu danbeeyay la is-kula meel dhigay.

Iyada oo qayb ka ah nidarka loo gelayo nabad, deggenaansho iyo dimuqraadiyad ka hana-qaadda Geeska Afrika oo dhan, ergada Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeeyeen taageerada ay u hayaan muddada kala-guurka ah oo ka dhammaata dalka Soomaaliya.  Taas macnaheedu ma aha in Jamhuuriyadda Somaliland qayb ka noqotay jilayaasha Soomaaliya ee ‘Road Map-ka’ wadaaga. Waxa keliya ee arrintan looga gol leeyahay waa in si dhakhso ah loo suuro-geliyo in dawlad sharciyeysani ka hana-qaaddo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, waana mowqif aynu la wadaagno adduunweynaha oo la wada taageerayo, isla markaana dan u ah Jamhuuriyadda Somaliland. In xilliga kala-guurka ah ee Soomaaliya dhammaadaa, waxay tamar iyo taageeraba u tahay natiijo togan oo ka soo baxda wada-hadalladan. Dhammaanshaha xilliga kala-guurka ee Soomaaliya, waxay fursad la mahadiyo u tahay wada-hadallada iyo habsami-u-socodkooda.

Khudbaddiisii 52-guuradii ka soo wareegtay madax-bannaanidii Somaliland ee 26kii Juun 1960kii iyo shirkii jaraa’id ee uu ku qabtay madaarka Berbera 27kii Juun markii uu Dubai u ambo-baxayay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxu hadalkiisii ku dhaabadeeyay in  Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland aanay  gor-gortan iyo ka noqosho lahayn.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale”Boobe”

Wasiirka warfaafinta &Wacyigenta JSL, isla markaana ah af-hayeenka rasmigaaha ee xukuumadda Xukuumadda

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories