HomeXukuumadda Somaliland oo Xaqiijisay Jiritaanka War Ka soo Baxay Shirkadda Diyaaradaha ee...

Xukuumadda Somaliland oo Xaqiijisay Jiritaanka War Ka soo Baxay Shirkadda Diyaaradaha ee Air Arabia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Paris (SLpost)- Wasiirka Ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in aanay ilaa hadda heshiis rasmiya kala saxeexan shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia, balse ay wadahadallo u bilaabeen Imaaraadka Sharqiya qaybteeda duulista, oo uu sheegay inay leeyihiin shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia.

Wasiirka oo maanta u warramay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa caddeeyay in wadahadalka u bilaabmay Somaliland iyo waaxda duulista ee Imaaraadda Shaariqa uu yahay mid dhankooda ka yimid, sababta isaga iyo Wasiirka duulistu Imaaraadka u tageenna ay ahayd codsi uga yimid madaxda duulista ee Imaaraadda Sharqia.

Maxamed Cabdilaahi Cumar“Arrintaa waxaan doonayaa inaan Caddeeyo, waanan ogahay in warar khaldan laga bixiyey, ilaa hadda ma jiro heshiis laba geesood ah oo la saxeexay, wakhti-baanay qaadanaysaa, hase yeeshee Somaliland iyo Imaaradda la yidhaahdo Sharqiya qaybteeda duulista ee loo yaqaano, ‘Sharqia Aviation Services’ oo leh diyaaradda Air Arabia.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Waxa na dhex maray wadahal bilow ah, iyagaana codsaday oo Hargeysa noogu yimid, arrintana nagala hadlay inay danaynayaan, dabadeedna anniga iyo wasiirka duulista ayaa u tagnay, wadahadalkaasina wuxuu dhex maray Somaliland iyo Imaaradda sharqia, waana bilow wadahalladaasi, walina ma jiro hindise faahfaahsan oo ay noo soo gudbiyeen.”

Warbaahinta Somaliland qaarkood, ayaa maalmihii u dambeeyey qorayey warar sheegayay inay shirkadda Diyaaradaha ee Air Arabia ay caddeysay inaanay Somaliland la gelin wax heshiis ah oo kuu saabsan duullimaadyo ay diyaaraddoodu ku timaaddo madaarrada Hargeysa iyo Berbera.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories