HomeXukuumadda Somaliland oo soo bandhigtay Qorshe Dhiirrigelinaya Wax-soo-saarka Dalagga Beeraha iyo Isku-filaansho...

Xukuumadda Somaliland oo soo bandhigtay Qorshe Dhiirrigelinaya Wax-soo-saarka Dalagga Beeraha iyo Isku-filaansho Qaran oo la gaadho

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Waxa Maanta Oo Khamiis Ah Dirada Lagu Saaray Wax-Soo-Saarka Beeraha, Si Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Isku Filaansho Uga Gaadho Dhinaca Wax-Soo Saarka Dalagyada Kala Duwan Ee Beeraha.

Sida lagu sheegay war-qoraal ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, Kal-fadhigii 18-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta  oo ay taariikhdu tahay (09/08/2018), waxa dirada lagu saaray wax-soo-saarka beeraha, si dalka Jamhuuriyadda Somaliland isku filaansho uga gaadho dhinaca wax-soo saarka dalagyada kala duwan ee beeraha.

Isku filanasho Beeraha (2)“Tan iyo intii ay xukuumaddu talada dalka la wareegtay waxay ku hawlanayd sidii looga midho dhalin lahaa wax soo saarka beeraha, qarankuna u gaadhi lahaa isku filaansho dhinaca wax soo saarka dalagyada kala duwan ah, looguna dhiirrigelin lahaa bulshada Somaliland inay iskaashi ka sameeyaan dhanka wax soo saarka beeraha.

Xukuumaddu iyadoo maanka ku haysa sidii loo yarayn lahaa ku tiirsanaanta cuntooyinka dibeda inooga yimaadda, waxay qaadday tallaabooyin lagu bilaabayo mashaariic wax soo saar oo gudaha dalka ah, kuwaas oo laga hirgeliyey, banka wax soo saarka beeraha ee Wajaale oo hadda si fiican socda. Haddaba si halkaasi looga sii anba qaado dedaalka iyo ka midho dhalinta himilada wax soo saar ee qaranka, waxa Toddobaadkan gudihiisa laga bilaabayaa mashruucii labaad oo dhan 900 oo higter banka Xaaxi ee deegaanka Oodweyne.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-qoraalka.

Isku filanasho Beeraha (1)Waxa kale oo lagu sheegay, “Dhanka kale iyadoo xukuumaaddu gacan siinaysa beeralayda reer Somaliland waxay hore ugu caawisay 9,000 oo qoys, qodaal saddex saacadood ah oo lacag la’aan ah, si loogu jiheeyo wax soo saarka dalka, shacbi iyo xukuumadna laysaga kaashado isku filaanshaha wax soo saar ee qaranka.

Ugu danbayn golaha wasiirradu, waxay shacbiga reer Somalialnd ku dhiirigelinayaan inay gacmaha isu qabsadaan wax soo saarka iyo horumarka dalka, si loo gaadho isku filaansho, maalkooda iyo maskaxdoodana u huraan maalgashiga dalka.” 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories