HomeXukuumadda Somaliland oo Si Adag u Cambaareysay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

Xukuumadda Somaliland oo Si Adag u Cambaareysay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Baaqna u jeedisay Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa wax laga xumaado ku sheegtay hadal uu Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan ku sheegay in Xafiiskiisu ka shaqaynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto.

blankWar-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa u qornaa sidan:- “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan soo saaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanaya xaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadaba.

Dhawaaqa ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha Guud waxa uu ka hor imanayaa Qarammada Middoobay oo sheegta inay daacad ka tahay siyaasadda mandaqadda.

Xukuumadda JSL waxay cambaaraynaysaa war-saxaafadeedkii Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ay u aragto daandaansi iyo farogelin uu ku sameeyey xornimada Somailand iyo is-xukunkeeda. Waxa kaloo hadalkiisu xushmad darro ku yahay hannaanka dimuqraadiyadda JSL iyo horusocodkii ay sameynaysay tan iyo xiligii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya 18kii May 1991kii.

Somaliland waxay guulo waaweyn ka gaadhay oo u qabsoomay doorashooyin lagu guulaystay oo ku saleysan hal qof iyo hal cod iyo hab nabadgelyo ah oo hoggaamiyeyaasha Somaliland ay xilka iskugu wareejiyeen.”

War-saxaafadeedka Xukuumadda Somaliland waxa lagu sheegay in afti qaran loo qaaday dastuurka Somaliland sannadkii 2001dii, isla-markaana shacbiga Somaliland si sharciya u soo doorteen Wakiilladooda iyo dawladooda, iyadoo Qarammada midoobay oo Somaliland xidhiidh la laheyd soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay si wanaagsan uga war-qabto arrimahaas.

“Hadalka Wakiilka Xoghayaha guud wuxuu xushmad darro ku yahay waajibaadkii ay aheyd inay Qarammada midoobay ay garab istaagto nabadgelyada iyo xasiloonida mandaqada,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland waxa kaloo lagu bayaamiyey in siyaasadeynta iyo farogelinta Wakiilka Xoghayaha Qarammada midoobay ay waxyeeli doonto himiladii laga qabay dib u bilaabista wada-hadallada beesha caalamku doonaysay inay u qabato Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, si ay uga wada hadlaan laba waddan cilaaqaadkooda mustaqbalka.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamku inay ka fogaadaan ficil kasta oo ihaanno iyo liddi ku ah nidaamka dimuqraadiyadda, madax-bannaanida iyo xornimada Somaliland oo ay taabogeliyaan sidii ay u sii wadi lahaayeen inay Xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha horumarinta iyo xasiloonida mandaqada,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Xukuumadda Somaliland.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA UU WASIIRKU SOO SAARAY

blank

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories