HomeXukuumadda Somaliland oo Shuruudo horleh ku Xidhay Wada-hadallada Somalia

Xukuumadda Somaliland oo Shuruudo horleh ku Xidhay Wada-hadallada Somalia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shuruudo hor leh oo u muuqda qaar fulintoodu ku adag tahay Xukuumadda Muqdisho ku xidhay Sii socoshada Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada Somaliland ee maanta oo qodobkan iyo Arrimo kale lagu lafo-guray, waxa ay xukuumaddu sheegtay inay taageersan tahay sii socoshada wada-hadallada labada dhinac, balse ay waajib tahay inay wada-hadalladu ku qabsoomaan goob dhex-dhexaad ah oo beesha Caalamkuna goob-joog tahay.

blank

War-murtiyeedka ayaa u qornaa sidan:-

“Kal-fadhigii 40-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxay dood dheer ka yeesheen arrimo la xidhiidha wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya,  safiirada iyo ergooyinka beesha caalamka ee Somaliland hawlaha shaqo u yimaada iyo hay’adaha UN-ka, hay’adaha dawliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee ka hawlgala dalka Somaliland.

Golaha Wasiiradu waxay is-dultaageen muhiimadda ay wadahadaladu u leeyihiin nabadgelyada mandaqada geeska Afrika iyo wada noolaanshaha labada shacab ee Somaliland iyo Soomaaliya, sidoo kale waxay lafa-gureen heshiisyadii ka soo baxay wadahadaladii hore u dhexmaray labada dhinac ee ay dawladda Soomaaliya ka gaabisay hirgalintooda.

Waxaanay goluhu ka hadleen wada shaqaynta dawladda Somaliland iyo safiirada iyo ergooyinka beesha caalamka, iyagoo bogaadiyey taageerada baaxadda weyn ee ay beesha caalamku Somaliland la barbartaagan tahay muddada 28-ka sanno ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, waxayna go’aamiyeen;

1)    In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo.

2)    In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan.

3)    In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

4)    In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha  ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan  Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5)    Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso.

Ugu danbayn waxay golaha wasiiradu ku dheeraadeen ahmiyada qabsoomida doorashooyinku u leeyihiin dalka, isla markaana mudnaanta koowaad la siiyo in ay doorashooyinku qabsoomaan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories