HomeXukuumadda Somaliland oo Shirkii Ugu Ballaadhnaa Ka yeelatay Xaaladda Ammaanka Dalka

Xukuumadda Somaliland oo Shirkii Ugu Ballaadhnaa Ka yeelatay Xaaladda Ammaanka Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shir gudoomiyey kulan ku saabsan xoojinta Amniga, Isu xogwaraysi, wada shaqaynta laamaha kala duwan ee Amniga, maamulka Degmooyinka Caasimada iyo Badhasaabka Gobolka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulanka oo ku qabsoomay xarunta Wasaaradda ay ka qayb-galeen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed iyo Saraakiisha Ciidan Booliska Somaliland, oo uu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) iyo Kuxigeenkiisa.

Sidoo kale waxa shirka ka soo qayb galay Maayorka Caasimadda Cabdikariim Axmed Mooge Mooge, Guddiga fulinta Dowladda HOose iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Caasimada Hargeysa.

Shirkan oo noqonaya kii ugu ballaadhnaa ee ay isugu yimaaddaan qaybaha dowladda ee qaabilsan maamulka iyo sugidda ammaanka dalka, waxa kale oo ka qayb-galay Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Xeebaha Sareeyo Guuto Axmed Hurre Haariye, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka Faysal Guhaad Cabdi, Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi Axmed, Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Maroodijeex Khadar Baaruud.

blankWarka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa lagu sheegay in ujeeddada shirkani la xidhiidho adkaynta nabadgelyada. “Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa faray Hay’adda amniga in ay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo isku dayda in ay waxyeelayso ama khalkhal geliso xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland ku naaloonayso, taasoo ah mid aan ciyaar ku iman ee ku timid dedaal iyo naf hur.

Ugu danbayntii, cidkasta oo isku dayda in ay amniga wax u dhimaan iyaga oo ku soo dhuumanaya Mudaharaad sharci darro ah tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa,wixii ka yimaadana waxaa qaadaya masuuliyadeeda ciddii soo abaabushay.

Shacabkana waxaa loogu baaqayaa in ay la shaqeeyaa Ciidamada nabadgelyada, kana fogaadaan cidkasta oo wada dhibaato lagu waxyeelanayo nabadgelyada iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.” sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland.

Shirkan lagaga tashaday sugidda ammaanka dalka ayaa ku soo beegmay iyadoo xisbiyada mucaaradka ahi toddobaadkii la soo dhaafay ay taageerayaashooda ugu baaqeen inay bannaan-baxyo ka dhigayaan gobollada dalka, kaddib markii lagu kala kacay wada-hadallo u socday Xukuumadda, kuwaas oo xal loogu raadinayey muran ka taagan qabsoomidda doorashooyinka ururrada siyaasadda iyo madaxtooyada.

blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories