HomeXukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Bilaabmeen Wada-hadalada U Dhexeeyay Khaatumo

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Bilaabmeen Wada-hadalada U Dhexeeyay Khaatumo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post)  Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa sheegay inuu si rasmi ah u furmay wadahadaladii u dhexeeyay wefti ka socday Xukuumadda iyo xubno ka tirsan Khaatumo.

 

Cadaani

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiir Cadaani oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa kale oo uu sheegay inay wadahadalkani ku yimi ka dib markii hogaamiyaha Khaatumo aqbalay gogol nabadeed Madaxweynaha Somaliland u fidiyay bulshada degta bariga Somaliland gaar ahaan Sool iyo Buuhoodle.

 

 

 

“Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed  Siilaanyo  wuxuu wadahadaladan u saaray guddi qaran  oo ka kooban Wasiirro iyo madaxdhaqameed, go’aanka uu qaatay Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ah mid geesinimo ku dheehan tahay, waanu soo dhaweynaynaa  haddaanu nahay Xukuumadda Somaliland waanan ku bogaadinaynaa inay garteen isaga iyo saaxiibadiiba inay dadkiisu yihiin dad reer Somaliland ah. Waligoodna ay ahaayeen dad reer Somaliland maantana ay yihiin  oo berito iyo caalamkani  inta uu jiro ay yihiin dad reer Somaliland ah.” ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cadaani

 

 

 

Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Ummaddan wada dhalatay ee xigaalka ah ee isku Abtiga ah, ee xididka ah ee wada nool oo dantooduna ay ku jirto wada noolaashaha iyo nabadda, wadahadaladani waxay daba joogaan  gogoshii Madaxweynaha Somaliland uu u fidiyay Dhulbahante weyne ayna ka jawaabeen beelaha Dhulbahante oo ay ka mid yihiin beelaha Maxamuud Garaad, shirarkii ka dhacay deegaanka  Awr-goobays iyo shirkii ka dhacay Adhic-cadeeye ee Maxamuud Garaad ay kaga jawaabeen gogoshii kuna aqbaleen. Inay Somaliland ka mid yihiin waxna la qaybsanayaan.” ayuu yidhi Wasiir Cadaani

 

 

 

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland mawqifkiisu yahay sidii ay Somaliland u midoobi lahayd, waxaanu yidhi “Waxa Madaxweynaha  Somaliland iyo Xukuumaddiisa ka go’an in qarankani uu ahaado mid is haysta oo aan kala qob-qobnayn, maadaama oo ay dad wada dhashay yihiin  oo dhaqan, wadanoolaasho, xididnimo iyo saaxiibtinimo intaba ay ka dhaxayso uu noqdo INSHA ALLAH. Madaxweynaha Somaliland marka uu xilkiisu dhamaado dal is haysta oo mid ah inuu ka tago.”

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories