HomeXukuumadda Somaliland oo Sheegtay inaanay Waxba iska beddelin heshiiskii ay Imaaraadka Kula...

Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay inaanay Waxba iska beddelin heshiiskii ay Imaaraadka Kula jirtay ee Madaarka Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirrka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sixitaan ku samayeeyey hadal uu ku sheegay inay Dowladdu la soo noqotay Garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera oo ay Xukuumaddii hore heshiis 30 sano ku siman ku siisay Dowladda Imaaraadka oo Dib-u-dhis ku samaysay Madaarka, isla markaana Saldhig Millateri oo heshiiska qayb ka ahaa.

blankWasiir Koore, ayaa maalmo ka hor sheegay inay Xukuumadda Somaliland la soo noqotay Madaara Berbera. Balse, War-saxaafadeed uu Wasiirku soo saaray Khamiista 14-ka May 2020, ayuu ku sheegay inaanay Somaliland la soo noqon Garoonkaas, isla markaana ka bixin heshiiska ay kula jirto Imaaraadka, hayeeshee, Diyaaradaha Shacabkuna ay la istimaali doonaan Millateriga Imaaraadka Carabta.

Haddaba, War-Saxaafadeedkaas ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana uu Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ku saxeexnaa oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews, u dhignaa sidatan:-

“Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa War-saxaafadeed hore uga soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo aanu dib u sixid ku sameynay meelo ka mid ah hantidii ay dib ula soo noqotay Xukuumadda JSL, waana sidan hoos ku cad.

– Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera

– Qeybta Dhuumaha Shidaalka ee ka soo Nuuga Maraakiibta Kuna Shuba Keydka Haamaha Shidaalka

– Qalabka Hubinta Tayada Shidaalka

– Taarkooyinka kala duwan ee Dalka sida Kuwa Dawladda, Shicibka iyo Kuwa Q/Midoobay, Hay’adaha Caalamiga Iyo Kuwa Maxalliga.

– Liisamada Baabuurta ee Shicibka iyo kuwa Hay’adahaba.

– Dhukumentiga Wadda Marista ee lagu dhejiyo Muraayadda hore ee Baabuurta.

– Tikidhada Cashuuraha iyo Cusbooneysiinta Liisamada kala duwan.

– Kirooyinka Gaadiidka ku Nasanaya Barxadda Madaarka [Parking]

– Hudheelka Hargeysa Club oo ka mid ah Goobaha Taariikheed ee Dalka.

Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo hore loogu bixiyey heshiis saldhiga Millatari oo dhexmaray 2017kii Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta. Waxa uu sax ku yahay warkaasi in imika laga dhigay mid Diyaaradaha Shicibka ahi ay sidoodii hore u isticmaalayaan, iyadoo aan waxba laga beddelin heshiiskii hore u dhexmaray labada dal.

La Wareegidda Dhulka Ballaadhan ee dhawaan la Deyray oo Laga dhisayo Xarun u Qalanta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xaruntii Khayriyada Hargeysa oo hadda Xukuumaddu ka wado dhisme Madxaf qaran.
Intaa Waxa Dheer Diiwaangelin iyo Tira-Koob Lagu Sameeyey Dhammaan Hantida Ma-Guurtada ee Qaranku Leeyahay ee ku kala yaal Gobollada Dalka, Waxana laga Hawlgalay 1dii Sep 2018kii Injineerro ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Kuwaas oo Hawshaa Diiwaangelinta muddo Laba Bilood ah ugu Maqnaa Gobollada dalka, si ay Indhahooda ugu soo Arkaan.

Gebagebadii Waxay soo Diiwaangeliyeen oo ay soo Tira-Koobeen Hantida Ma-Guurtada ee Qaranku Leeyahay oo dhan Afar Kun Laba Boqol Iyo Sideed Lixdan [ 4,268] oo Isugu Jira Seerayaal, Garoonnada Ciyaaraha, Dhaamam, Ceelal, MCH-yo, Dhismayaal Shicib ku Jiro Iyo Sidoo Kale Dhammaan Xarumaha Dawladda Dhexe iyo Dawladaha Hoose ee Dalka ka dhisa Dib u sixid kooban oo ku saabsan goobaha iyo adeegyada Xukuumaddu dib ula soo noqotay.” sidaa ayuu Wasiir Koore ku yidhi War-saxaafadeedkiisa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories