HomeXukuumadda Somaliland oo Sheegtay inaanay Mandaqadda Geeska ku oollin Deked dabooli karta...

Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay inaanay Mandaqadda Geeska ku oollin Deked dabooli karta Baahiya Dhoofka Xoolaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir, ayaa maanta beeniyay Warar warbaahinta qaarkeed ku sheegtay in Maxjarka Xoolaha ee Magaalada Berbera loo Wareejiyay Meelo Kale.

Wasiirka  xanaanada xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw-daahir  Cali oo maanta xafiiskiisa kula hadlayey warbaahinta, waxa uu Sheegay in Magaalada Berbera ay ku yaalaan laba Maxjar oo ah kuwa lagu baadho caafimaadka Xoolaha ka dhoofaya dekeda Berbera isla markaana ay kala leeyihiin Indha deero iyo Al Jaabiri, kuwaas oo uu sheegay inay iyagu ku dan-qabaan ka-ganacsiga Xoolaha Somaliland, haseyeeshee waxa uu sheegay inaanay Jirin Wararka ku tiri ku teenka ah ee Sheegaya in ganacade Al Jabiri uu uu Maxjarkiisa Berbera u rarayo Magaalada Muqdisho.

Cabdi-aw-Daahir7Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee  Somaliland waxa uu ku dooday in guud ahaan maxjarada Somaliland ku yaalaa aanay la mid ahayn kuwa kale ee Somalia isla markaana ay ka Tayo Wanaagsan Yihiin. Sidoo kale Wasiir Cabdi Aw-Daahir waxa uu sheegay inaanay jirin Deked ku taala mandaqadda Geeska Afrika oo la tartami karta baaxadda Dhoofka Xoolaha ee Dekedda Berbera.

“Xooluhu waa laf-dhabarteena dhaqaalaha. Berbera waxa ku yaala laba maxjar oo ay kala leeyihiin  Indhadeero  iyo  Al-jaabiri, midna ka guurimayo meel ay u kacayaana majirto ee iyaga ayaa dan ganacsi ku qaba oo Xoolaha ayaa Xukuma. Xilligii Xajkana Xoolaha dhoofay laba Milyan iyo laba boqol oo kun (2,250,000) oo Neef ayay ahaayeen, Xoolahaas labada Maxjar may keenin ee waxa keenay Dekeda Magaaladda Berbera, iyagaana dan u arka. Waxbana kama jiraan wararka sheegaya inay u rarayaan Muqdisho. Ganacsatadu waxay xaq u leeyihiin in ay meelo kala duwan ka wataan ganacsigooda balse kan  Berbera in loo rarayo Muqdisho, waxba kama jiraan manaanaan maqal,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir Cali.

Wasiirka wasaarada xanaanada Xoolaha Dr, Cabdi Aw-Daahir, waxa sidoo kale shirkaasi jaraa’id ku sheegay in wasaaradiisu u qorshaysan tahay in hilibka xoolaha dhoofa dajinayso hab casriya lagaga dhoofiyo dalka, waxaana uu xusay in wadamada Asia ku yaala la bilaabi doonaan xiidh ganacsi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories