HomeXukuumadda Somaliland oo Sheegtay in Xabbad-joojintii Dagaalka Laascaanood ay Jebiyeen Kooxo Nabad-diid...

Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay in Xabbad-joojintii Dagaalka Laascaanood ay Jebiyeen Kooxo Nabad-diid ahi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Xabbad-joojinta ay ku dhawaaqday habeen hore ay jabiyeen kooxo nabad-diid ah iyo kuwo Argaggixiso ah oo Ciidanka Qaranka Somaliland kula dagaallamaya magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay sheegtay inay aroornimadii saaka duullaan hor leh ku soo qaadeen Fadhiisimmada Ciidanka.

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Ciidanka Qaranku iska difaacay weerarrada lagu soo qaaday.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in maamul-goboleedka Puntland dhaqdhaqaaq dagaal ka wado jiidda hore ee Tukaraq oo Ciidanka Millateriga Somaliland ku sugan yahay.

War-saxaafadeedkan ayaa u dhignaa sidan:- “Xukuumada Somaliland waxay hore ugu dhawaaqday Kuna Cel-celisay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse waxa xabad joojintii markale jabiyey kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, oo subaxnimadii hore ee saaka markay saacadu ahayd 5:30 Am dagaal ku soo qaaday Ciidamada ku sugan Xeryahooda.

Goobaha ay saaka soo Wareereen kooxahaasi waxa ka mid ah:
– Xafiiska Badhasaabka Gobolka SOOL.
– Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Laascaanood.

Waxaanu Ciidanka Qaranku Weerarkaasi kaga jawaabay is-difaacid, illaa hadana dagaalkii wuu socdaa.

Ciidanka Qaranku waxa ay wali u taagan yihiin oo ay ixtiraamayaan xabad joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadd ahaan waxa aanu cadaynaynaa in shacabka magaalada Laascaanood ay la mid yihiin muwaadiniin reer Somaliland ee ay horeba uga midka ahaayeen, waxase jirta siday hore xukuumaddu ugu dhawaaqday in ay dagaalka laascaanood qayb ka yihiin, hurinayaana kooxo argagixisada ka tirsan, kuwaasi oo diidan in xabad joojinta laga gaadho dagaalka, gaboodna ka dhiganaya shacabka Laascaanood.

Dhinaca Aaga Tukaraq;

Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa.

Ugu dambayntii, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ogaysiinaysaa Bulshada reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo dadka nabada jecelba inay wali xabad joojin bilaa shuruud ah ay dhankeeda dhaqan-gal ka yahay.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories